SAWIRRO: Itoobiya Oo Si Wayn Looga Xusay Sanad Guuradii 25’aad Ee Kasoo Wareegtay Markii Xukunka Laga Tuuray Keligii-taliye Mengistu
Jigjiga,29,5,2016 (QJ/SDN) – Waxa Maanta guud ahaan si wayn looaga xusay dalka Itoobiya Xuska maalintii xukunka laga tuuray Keligii-teliskii dalkaasi soo xukumi jiray ee Mengistu Haile Mariam.
Munaasibado ballaadhan oo maalintan lagu xusaayo ayaana ka dhacay guud ahaanba dal waynaha Itoobiya, iyadoona ay tahay sanad guuradii 25’aad,
Haddaba, meelaha sida aadka looga xusay maalintani ayaa waxa ka mid ah dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan magaalada Caasimadda ah ee Jigjiga.
Waxaana saaka si heer sare ah xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga looga xusay sanadguuradii 25’aad ee 20ka ginbood oo kadhacday hoolka shirarka kaali ee xarunta madaxtooyada DDSI.
Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu sarysa DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Golaha wasiirada, mauuliyiinta ciidamada difaaca qaranka, masuuliyiinta ciidamada gaarka ah ee DDSI oo uu ugu horeeyo generaalka ciidamada gaar ka ah mudane Cabdiraxmaan Cabdulaahi Buraale, odayaasha deegaanka oo ka kala yimid degmooyinka iyo gobolada, hooyooyinka, shaqaalaha qaybahooda kala duwan, kooxaha fanka iyo madadaalada DDSI iyo waliba marti sharafkale.
Waxaana ugu horayn munaasabadan ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay inay maalintani tahay maalin taariikhi ah islamarkaana sintay dhamaan qoomiyadaha iyo shucuubaha kaladuwan ee dalku ka koobanayahay. Wuxuuna intaa ku daray inay gaar ahaan 20ka ginboot tahay maalinkii deegaankeenu dhashay ee afka ciida loo daray kaligii taliskii dhergiga ee cadaadiska iyo gumaysiga gaarka ah ku hayay shacabwaynaha deegaankeena. Madaxwaynaha ayaana hadalkiisii ku gabagabeeyay in 20ka ginboot ay tahay maalin mudan in la xuso oo la xasuusto maadaama oo ay tahay maalinkii lahelay sinaanta, cadaalada, dimuqraadiyada iyo dastuur simay dhamaan qoomiyadaha iyo shucuubaha kaladuwan ee dalku ka koobanyahay.
Sidoo kale, waxaa isna munaasaabadan kahadlay generaalka ciidamada difaaca qaranka qaybta 13aad mudane general Khadiir oo xusay muhiimada ay maalintani u leedahay shucuubaha reer itoobiya islamarkaana kacodsaday shirwaynaha in hal mar loo istaago naftood hurayaashii kugeeriyooday halgankii gumaysigii dhargiga .
Dhanka kale, munaasibado tan la mid ah ayaa ka dhacay guud ahaan maamulada dalka Itoobiya, iyadoona madaxweynaha dalkaasi Itoobiya uu shacabka kala qayb-galay munaasibad balllaadhan oo ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Addis-ababa.