Maxkamada Gobolka Saaxil oo Xoriyadoodii u soo Celisay Weriyeyaal dhawr Cisho Xidhnaa,Maayarka Berbera oo Cadeeyay inuu Isagu Xidhay Iyo Xaqiiqda Rasmiga ah ee Loo Xidhay DAAWO
Berbera 29.May 2016 (SDN/QJ):- Maxkamada Gobolka Saaxil ayaa Xoriyadoodii u Soo Celisay Weriyeyaal uu Xidhay Maayarka Magaalada Berbera.
Gudoomiyaha Golaha deegaanka ahna Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan(Cidin) oo Wareysigan ay la yeelatay Idaacada VOA Laanteeda afka somaligu Waxay weydiisay sababta uu Ku xidhay Sadexda Wariye oo Berbera uu Xabsiga u Taxaabay Waxa uu Maayarku Sheegay inuu Amarkaa Isugu Bixiyey Isla markaana uu Weriyeyaashan horgayn doono Maxkamad.
Muuqaalka ay Weriyeyaashani baahiyeena ayaa ahaa Kadib Markii Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka ee Berbera uu si adag ula garnaqsaday Weftigii ka Socday Shirkada Dubai World Port.