Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Markii Kowaad Xaqiijisay Saamiga Hooseeya ee Somaliland ka helayso Maalgelinta Dekeda Berbera DAAWO
Hargaysa 26.May 2016 (SDN/QJ):- Tan iyo markii uu bannaanka u soo baxay heshiiskii Sirta ahaa ee u dhexeeyay Xukuumada Somaliland iyo Shirkada Imaaraadka ee Dubai World Port ayaa Waxaa ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo Sheegay in Somaliland ay Saami u helayso marka la Maalgeliyo Dekeda Berbera 35% Halka Dubai World Port ay helayso 65% .
Sidoo kale Waxa uu Wasiirku ka Jawaabay in Codka ay Somaliland ku yeelanayso Maamulka Cusub ee Maamulka Dekedu inuu aad u yar yahay.
Wasiir Sacad Cali Shire waxa uu ka Markhaati Kacay in Nuqul ka Mid ah Heshiiskani uu dibada u soo baxay Waxaanu Cadeeyay in arrintaasi Jirto “Mar Hadii Uu Saxeexaygii Ku Yaalo Ma Beenin Karo” ayuu Yidhi Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland