Xukuumadda Somaliland Oo Dambiilayaal U Aqoonsatay Xubno Huteel ku yaala Magaalada kaga dhex dhawaaqay inay doorteen Maayar Iyo Ku-xigeen
Burco, 26.May 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland, ayaa Go’aan kama dambeys ah ka soo saartay Murankii ka taagnaa Golaha Deegaanka Burco, waxayna Xukuumaddu dambiilayaal ku tilmaantay Xildhibaannadii doortay Maayarka kale.
Wasiir ku-xigeenka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Jaamac Cabdillaahi Biin oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Burco, ayaa sheegay in la soo afjaray khilaafkii ka dhex taagnaa Maayarka iyo qayb ka mid ah Xildhibaannada Golaha Deegaanka Burco, kuwaasi oo toddobaadkan doortay Maayar iyo Maayar ku-xigeen.
Jaamac Cabdillaahi Biin, waxa uu sheegay inay Qayrul-sharci yihiin Maayarka iyo Maayar ku-xigeenkii ay doorteen Xildhibaannada Golaha Deegaanka Burco badhkood, Maaddaama buu yidhi habka loo doortay uu ka soo horjeedo Habka Sharciga ah ee Xildhibaannada Golaha Deegaannadu iskaga dhex doortaan Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenkooda.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ee Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Dalka Jaamac Cabdillaahi Biin oo ay Hareero fadhiyeen Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Cali Xasan Maxamed (Cali-Mareexaan) iyo Taliyaha qaybta Booliiska ee Gobolka Togdheer, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Cid kasta oo si baalmarsan Sharciga iskugu dhawaaqda Guddoomiye ama Guddoomiye ku-xigeen wuxuu jebiyey Xeerarka Dalka u yaalla, waxaana laga qaadi doonaa Dambiga uu galay Ciqaabtiisa laga bilaabo Maanta (Shalay). Xildhibaannada Golaha Degmadu waa Xeer-dejinta Degmada, lagama ogola hawlo liddi ku ah Nabadgalyada iyo Xasilloonida Qaranka.”
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay, “Arrintii ay ku kaceen Xildhibaannada qaarkood waa qayrul-dastuuri, mana waafaqsana Xeer Lr/23 ee Jamhuuriyadda Somaliland, waana waxba kama jiraan. Maayarka iyo ku-xigeenka degmada Burco waa kuwii lagu doortay sida Sharciga ah, waxayna kala yihiin Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad) iyo Muxumed Xasan Jaamac (Xodey).” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Xil ka qaadista iyo doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenku Degmadu wuxuu leeyahay nidaam Sharci oo Cad, sida uu dhigayo Xeer Lr/23, wixii ka baxsana waa Qayrul-dastuuri, waxa kale oo waajib ah in Goluhu yeesho Xeer hoosaad iyo Guddi Joogto oo Golaha laga Magacaabay sida uu Xeerku qorayo, waxa waajib ah inaan Warbaahinta la isku adeegsan ee aad Cabashadiina qoraal ugu gudbisaan Maamulka Gobolka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee idin khuseysa. Sidaas ayaanu ku dhamaynay oo aanu Sacabka ku tunnay, qoraalkana waanu kala siinay (Xildhibaannada Golaha Deegaanka Burco ee Khilaafku ka dhexeeyay), waxayna nala qaateen inay Sharciyadda ku soo noqdaan, Guddoomiyaha iyo Xildhibaannada waanu isku keenay oo way wada shaqeynayaan.”