Heshiiskii Xukuumadu la Gashay Shirkada Dubai World,Soo ifbaxa Shirkad kale oo Saami ku leh Iyo Qodobo Mugdi Gelinaya Xaqiiqada Heshiiskan Akhri
Hargeysa 24.May 2016 (SDN/QJ):- Hordhaca Heshiiskan Dhawaan ay Xukuumada Somaliland la Saxeexatay Shirkada Dubai World Port ee Ka dhacay Dalka Isu Taga Imaaraadka ayaa Muujinaya Galdaloolooyin dhinacyo kala duwan ah.
Hadaba heshiiskan oo dhinacyo badan taabanaya isla markaana ay masuuliyiintii xukuumada ee shirkan ka qayb galay ay shacabka siyaabo kala duwan ugu Sharaxeen, halka ayna xukuumadu wali soo bandhigin wax document ah taasi oo maalmahan shacabku aragtiyo kala duwan ka bixinayeen.
Halka taas badalkeedu xukuumadu taageero heshiskan uga raadinaysay madaxdhaqameedka Somaliland iyo xubno siyaasiyiina oo madaxtooyada ka shildaal qaata.iyadoo dhaqaalena u hurtay.
Warbaahinta ayaa heshay nuqulo kamida heshiiskii ay xukumadu la gashay shirkada dubai world kaasi oo uu ka muuqo madmadow badan ismarkaana ay jiraan kooxo dhexe oo aan xukuumada iyo shirkada dubai u Dhaxeeya saamiga dekedana qaadanaysa share aan meelna kasoo galay habka dawladeed, sidoo kale gal dalooloolinka sharci e hadheeyay heshiiskan ayaa Waxaa kamida in aan la hayn heshiis balse la hayo isfaham oo mecnaheedu yahay meesha ka saaraya in ay marka horeba dubai port wax dhaqaale ah galinayso dekeda Berbera. amaba uu yahay heshiis lalagalo dawlad,
Heshiiskan ayaa waxaa ku cad in BPA oo ay shirkad dhexe oo iyadu qayb ka noqonaysa boardka maamulaya dekeda berbera oo ay gacanta ku haynayaa 7xubnood kana kala imanaya 4 shirakada Dubai world ka socda iyo sedex ka socda BPA taasi oo meesha ka saaray awoodii dawladeed sidoo kalena gabi ahaanba qoraynaysa shaqaale cusub waxayna khatar ku tahay shacabka reer berbera.