Muwaadin reer Somaliland oo Xadhig Iyo jidh-dil uu u Gaystay Safiirka Soomaaliya ee Dalka Koonfurta suudaan Isagoo ku Guda jira Sidii uu Somaliland qadiyadeeda u gaadhsiin lahaa bulshada Caalamka DAAWO
Hargaysa 24.May 2016 (SDN/QJ):- Muwaadin reer Somaliland oo Xadhig Iyo Jidh-dil safiirka Soomaaliya ugu gaystay Dalka Koonfurta suudaan isagoo ku Guda jira Sidii uu Somaliland qadiyadeeda u gaadhsiin lahaa bulshada Caalamka.
Safiirka Somaliya ee Dalka South Sudan Mudane Diinaari Ayaa Markuu Mudo 3 Sano ah ku hayay Xabsi ku yaala Magaalada Jubba usoo Mustaafiriyay Magaalada Muqdisho halkaasi oo Markii danbe Gaadhi Nooca Dagaalka ah ee loo yaqaan Beebeega Ay Jiidhsiiyeen Ilaalada Raiisal wasaarihii Hore ee Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid
Muwaadinkan oo lagu Magcaabo Khadar Ayaa dirqi lagu keenay isagoo Dhaawac ah Magaalada Hargaysa waxaana lagu daaweeyey Cusbitaalka Hargaysa,Wuxuu sheegay inuu Ganacsiyo ku lahaa Nairobi iyo Jubba Balse uusan hada awoodin Nolol Maalmeedkiisii.
Wuxuu Sheegay inuu 2009kii la kulmay Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye sida Madaxweyne Siilaanyo,Muuse Biixi Cabdi,Marwo Aamina Weris iyo Xubno kale oo markaasi uu Khadar kusoo Dhoweeyey Magaalada Nairobi kuwaasi oo hada Indhaha ka laliyay Arinkiisa
Khadar wuxuu sheegay In laga Raacay Garamaan iyo koofiyado uu ku soo qoray halkudhigyo Munaasibadii caleemasaarka Xoriyada Dalka Koonfurta Sudan kuwaasi oo Ahaa “Today South Sudans Freedom And Tomorrow Somaliland”