Inqilaabkii Mileteri ee Siyaad Barre Iyo Qaabkii uu Siyaad bare rabay inuu uga Takhaluso C.laahi Yuusuf Akhri
Hargaysa 23.May 2016 (SDN/QJ):- Waa Qaybo kooban oo aanu ka soo Minguurinay Buuga Halgan iyo Hagar daamo ee uu Qoray C.laahi Yuusuf Axmed Wuxuu qaybtan kaga hadlayaa Inqilaabkii Somalia ka dhacay Sannadkii 1969kii iyo Sidii uu Maxamed Siyaad Barre uga Takhalusayay C.laahi Yuusuf Waxaanu Yidhi:-
“Sidii uu u qorsheeyey ayayna wax waliba u dhacayeen ama u socdeen oo ay arrimihiisu isugu dubba-dhacsanaayeen. Sidaana waxaa ku rumoobay Af-gembigii hadal-hayntiisa la isla dhex marayey, kaas oo soo bannaan baxay Waaberigii 21-ka October 1969-kii.
Subaxdii waxa lagu waabberiistay Maxamed Siyaad Barre oo dalka ka talinaya. Markii aan raadiyaha ka dhagaystay in dalka uu Af-gembi ka dhacay, baan ka fekeray halista Soomaaliya ku soo fool leh.
Wakhtigaas waxa aan anigu ku sugnaa Magaalada Hargeysa. Siyaad Barre waxa uu la hadlay Taliyaha qaybta 26aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Maxamed Cali Mire oo ay aad isugu dhawaayeen, kana soo wada jeedeen kooxda ay saraakiisha jiilak cusub ee ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku magacaabeen garab saar dab, erey lagu dhaliilayey aqoontooda.
Maxamed Siyaad Barre waxa uu saaxiibkii amar ku siiyey in uu magaalada qabto, kaas oo fuliyey amarkii la siiyey. Isla habeenkaasi Waaberigiisii ka hor, Maxamed Siyaad Barre waxa uu baabuur ku ritay taliyihii Booliska Janaraalo Qoorsheel, kaasi oo uu u sheegay in Ciidanka Milattariga ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed dalka qabsaday, in uuna doonayo in uu ciidanka boolisku kala qayb qaato xukunka dalka, rasmi ahaana loo sheego in ciidamada qalabka siday oo ka kooban Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Booliska ay arrintaasi ka midaysan yihiin Janan Qoorsheelna wuu ka yeelay.
Janaraal Maxamed Siyaad Barre waxa uu laalay Dastuurkii dalka u yaallay, markaasi ayuu Baarlamankii kala diray, waxaanu dalka ku soo rogay xukun degdeg ah.
Waxa uu durbadiiba xabsiga u taxaabay dhammaan xubnihii xukuumadda uu Af-gembiyey oo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ugu horreeyo. Maxamed Siyaad Barre waxa uu durbadiiba dhistay gole ciidan oo uu ku magacaabay Golaha Sare ee Kacaanka (SRC), kaasi oo ka koobnaa 25 Sarkaal oo uu Gacantiisa ku soo xushay, 20 ka mid ah waxa uu ka soo xushay Ciidanka Milatariga ee Xoogga Dalka shanta kalena waxa uu ka soo xushay Ciidanka Booliska.
Isla isaga ayaa isku magacaabay Guddoomiyihii Golahaasi, Taliyihii Booliska waxa uu ku magacaabay Ku Xigeen. Muddo gaaban waxa uu Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka sifeeyey saraakiishii ugu wanaagsanayd, waxaana uu ka dhigay qaar uu shaqada ka saaro iyo qaar uu u wareejiyo Maamulka Rayidka ah.
Janaraal Maxamed Siyaad Barre, waxba wax hore uguma qorshaysnayn sidaas awgeedna wuxuu subaxii u yeedhay Xeer Ilaaliyihii Guud Dr. Cabdi Faarax Baashane iyo Agaasimihii guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Dr. Axmed Shire Laxaawe wuxuuna ka codsaday in ay talo ka siiyaan wixii uu dadka u sheegi lahaa. Raadiyayaasha dalka eek ala ahaa Radio Hargeysa iyo Radio Muqdisho waxaa laga sheegay oo kali ah in dalka uu kacaan ka dhashay kaasi oo ay hogaaminayaan Ciidamada qalabka sida, waxaa kale oo la sii daynayay heeso waddani ah.
Maalintaas wax kale lagama ogayn xukunka cusub ee dalka ka dhashay labadaasi Khabiir waxa ay isla markiiba u diyaariyeen Bayaankii uu doonayay, kaas oo ay ku magacaabeen ‘Warqadda 1aad ee Kacaanka’.
Warqaddu waxa ay ahayd oo u dhignayd sidii Barnaamij, muddo gaaban soconaya oo diiradda lagu saarayay SRC waxa ay doonayso in ay qabato. Waxaana ku xusnaa laba arrimood oo muhiim ahaa, aanse meesha ku faahfaahsanayn. Kuwaasi oo kala ah wakhtiga rasmiga ah ee SRC xukunka haynayso iyo waxa ay ka qabanayso dalalkii maqnaa. Midda hore, warqaddu waxa ay ka leedahay in muddo munaasib ah doorasho la qaban doono.
Taas oo loo fasiran karo in ay doonayaan inay xukunka waligood haystaan. Qodobka la xidhiidhay qaybaha Soomaaliyeed ee weli gumaysiga ku jiray sida Jabuuti, Soomaali Galbeed iyo NFD waxaa laga dhadhansan karayey in Soomaaliya ka hadhay heshiisyadii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal la galay dawladaha Kenya iyo Itoobiya oo ay warqadda ku caddahay in dalalka maqan lagu raadiyo si nabad ah.
Warqaddu waxa ay sheegaysaa oo kale in Kacaanku ku socon doono siyaasad dhexdhexaad ah iyo qodobo kale.
Qodobka la xidhiidhay qaybaha Soomaaliyeed ee weli gumaysiga ku jiray sida Jabuuti, Soomaali Galbeed iyo NFD waxaa laga dhadhansan karayey in Soomaaliya ka hadhay heshiisyadii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal la galay dawladaha Kenya iyo Itoobiya oo ay warqadda ku caddahay in dalalka maqan lagu raadiyo si nabad ah. Warqaddu waxa ay sheegaysaa oo kale in Kacaanku ku socon doono siyaasad dhexdhexaad ah iyo qodobo kale.
25-kii Xubnood ee Golaha SRC Siyaad Barre Magacaabay:
- Major Gen. Maxamed Siyaad Barre (Militeri)- Guddoomiye
- Major Gen. Jaamac Cali Qorsheel (Boolis)- Guddoomiye ku xigeen
- Gen. Maxamed Ceynaanshe Guuleed (Militeri)- Guddoomiye ku xigeen
- General Xuseen Kulmiye Afrax (Boolis)
- Gen. Salaad Gabeyre Kediye (Militeri)
- Gen. Maxamed Cali Samatar (Militeri)
- Gen. Cabdalla Maxamed Faadhil – (Militeri)
- Cali Mataan Xaashi (Militeri)
- Col. Axmed Maxamuud Cadde (Boolis)
- Col. Maxamuud Mire Muuse (Boolis)
- Col. Ismaaciil Cali Abokar (Militeri)
- Col. Axmed Suleymaan Cabdalla- (Militeri)
- Col. Maxamed Sheekh Cusmaan- (Boolis)
- Col. Maxamed Cali Shire (Militeri)
- Col. Maxamuud Geele Yuusuf (Militeri)
- Col. Faarax Waceys Duule (Militeri)
- Col. Axmed Maxamuud Faarax- (Militeri)
- Col. Axmed Xasan Muuse (Militeri))
- Captain. Cabdirisaaq Maxamed Abuukar -(Militeri)
- Captain. Bashiir Yusuf Cilmi (Militeri))
- Col. Cadulqaadir Xaaji Maxamed- (Militeri)
- Captain. Maxamed Cumar Jees (Militeri)
- Captain. Cusmaan Maxamed Jeele (Militeri)
- Captain. Muuse Rabiile Good (Militeri)
- Captain. Cabdi Warsame Isaaq (Militeri)
Anigu qof ahaan wax welwel ah isam aanan gelin oo way ii caddayd in aniga iyo Maxamed Siyaad Barre aannaan wada shaqayn Karin, isaga oo tan iyo 1956-kii colaad ila daba taagnaa. Muddo bil ah kadib ayuu igu amray in aan Muqdisho soo galo, markii aan u tagayna waxa uu ii sheegay in la igu magacaabay qunsulka Soomaaliya ee Suudaan. Xilkaas waan diiday, waxaan u arkay xaqiraad iyo Masaafuris. In xilkaas la ii magacaabayo, waxaa hore iigu sheegay Janan Caynaanshe oo aan saaxiib ahayn, isaga oo igu daray in xilkani yahay ku meel gaadh, oo danta laga leeyahay in dibadda lagugu hayo inta Maxamed Siyaad Barre lugihiisa isugu taagayo. Markaas kadibna waa lagu soo gelinayaa oo xabsiga ayaa lagu dhigayaa, ee taladu adiga ayey ku taal. Ma garan, mana waydiin wuxuu iigu sheegay arrintaas. Waxaanse u malaynayaa in uu ula jeeday in aan yeello baddalkaas oo dabadeedna aan fakado. Anigu waan diiday jagadii la ii magacaabay. Arrintaasi waxa ay ka xanaajisay Golihii sare ee uu magacaabay Siyaad Barre ee SRC oo dhan, dabadeed Maxamed Siyaad Barre waxa uu amar ku bixiyey in Xabsiga la ii taxaabo.
Maxamed Siyaad Barre waxa uu dawladnimada ka qabay Afkaar layaab leh, taasi oo muujinaysa in aanu waligii isku dayin in uu bal xoogaa ka ogaado siyaasadda iyo xidhiidhka dunida. Maxamed Siyaad Barre waxa uu aaminsanaa in aanay dawlad yari jiri Karin haddii aanay ku tiirsaneyn dawlad weyn. Sidaas awgeed, wuxuu muddo gaaban gudaheed isu dhiibay Quwaddii Midawga Soofiyeeti , taas oo gacmo furan ku soo dhawaysay, iyada oo u baahnayd in ay badweynta Hindiya ka samaysato Saldhigyo ciidan oo waaweyn. Maxamed Siyaad Barre waxa uu Midawga Soofiyeeti u sheegay in uu yahay nin Hanti-wadaag ah oo doonaya in uu dalka Soomaaliya ka hir geliyo Hantiwadaagga, sidaas awgeedna uga baahan yahay taageero dhinac walba ah. Midawga Soofiyeetigu waxa uu bilaabay in uu u fidiyo kaalmo dhaqaale, Ciidan iyo mid farsamaba.
Intaas waxaa u dheeraa talada siyaasadeed oo ay siinayeen. Midawga Soofiyeeti waxa ay Maxamed Siyaad Barre ku qanciyeen in aanay dawladi Hantiwadaag noqon Karin Haddii aanay dhaqaalaha waddanka gacanta ku hayn. Sidaas oo kale waxa ay ku sheegeen in aan Hantiwadaag la dhisin haddii aan shacbiga gacanta lagu hayn oo aan laga ilaalin in aan siyaasado kale lagu jahawareerin. Waxaa kale oo ay ku yidhaahdeen in loo baahan yahay jiritaanka hay’ado sirdoon iyo kuwo cadaadis oo difaaca xukuumada Hantiwadaagga ah.
Maxamed Siyaad Barre waxa uu isaga oo ku socda talooyinkaas muddo gaaban ku qarameeyey dhaqaalihii dalka, sida bangiyada, shirkadaha waaweyn, ganacsiga dibadda IWM. Qarameynta dhaqaalaha waxaa looga dan lahaa in dawladdu wax walba maamusho oo iyadu ka taliso qoondaynta dhaqaalaha. Tallaabadaasi waxa ay soo af-jartay habkii dhaqaalaha xorta ah ee hore dalka uga jiray. Dadkii badnaa ee dhaqaalaha ku lug lahaa waxay ku soo baxeen shaqo la’aan, waxaana khasab ku noqotay in ay dawladda hoos tagaan ama dibadda u qaxaan.
Sidaas oo kale waxa uu furay xafiis lagu magacaabay ‘Xafiiska Siyaasadda’ oo loo xil saaray in uu dhiso ururrada bulshada, sida kuwa Shaqaalaha, Dhallinyarada, Haweenka, Iskaashatooyinka, Fanka iyo guud ahaan ururro kacaan oo Hantiwadaagga si weyn ula dhacsan.