Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Buriyey Xildhibaanada Burco ee Doortay Maayarka Cusub iyo Wuxuu ku Sababeeyay DAAWO
Hargaysa 22.May 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa kaga hadlay khilaafka golaha deegaanka ee magaalada Burco.
Wasiir Cali Maxamed Waran waxaa uu sheegay inaanay marnaba magaalada Burco yeelan doonin laba maayir lahayna ee ay leedahay hal maayir oo ah maayirkii hore loogu doortay degmadaasi.
“Waxaan Bulshada U Sheegayaa Inaanuu jirin maayir cusub oo loo doortay degmada BUrco ee ay leedahay maayir muraad oo kaliya mana jiro sharci lagu banaynaya in laba maayir la doorto”
Sidoo kale mar wax laga wediiyey wasiirka sida lagu badali karo maayirkii hore waxaa uu yidhi “ dadku way is qabtaan marka la doonayo in maayirka la riddo aqlabiyada ayaa codsi keenta oo usoo gudbisa badhasaabka badhasaabkuna anuu iisoo gudbiyaa sidaasaa lagu doortaa hada waxaa jiro oo kaliya maayirkii hore”