|

“Waxaanu ugu baaqaynaa Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Inuu Buriyo Go’aanka Wasiirka” Iyo Hay’ado Caalami ah oo Walaac ka Muujiyey Talaabooyin uu Qaaday Wasiirka Caddaalada 

Qoraalka Wasiir Cadare Ee Ruqsad Ka Qaadista Gud. Guuleed Iyo Baaqa Urur Caalami Ah

Hargaysa 22.May 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Caddaalada Somaliland Axmed Faarax Cadare ayaa qoraal uu ku socodsiiyay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali, kaga dalbay inuu ruqsadda Qareenimo ka qaado Guuleed Axmed Jaamac, isla markaana Urur difaaca dadka u doodda xuquuqda aadamaha ayaa talaabaddaa Wasiirka ku tilmaamay mid meel ka dhac ku ah xuquuqda aadamaha, uguna baaqay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare inuu buriyo go,aankaa Wasiirka.

Wasiir-Caddare-1Wasiir Cadare qoraalkiisaa oo uu ogaysiin ku siiyay Xeer Ilaaliyaha Guud, isla markaana uu ku tixraacayay qoraal uu soo qoray Xeer Ilaaliyuhu, wuxuu ku yidhi Wasiirku; “Anigoo tixraacaya qoraalka ku taariikhaysan 30.03.2016, kana soo baxay xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaranka ee ujeedadiisu ahayd Guuleed Axmed Jaamac, ninkaas oo sheeganaya inuu yahay Gudoomiyaha xarunta xuquuqal insaanka, isagoo warqad u soo qoray Xeer Ilaaliyaha, Anigana ogaysiin i soo siiyay, warqadaasna aan kuugu soo lifaaqi doono halkan, waxa la sheegayaa in ninka qoraalkan soo qoray isla markaana leh waxaan ahay waxaan ahay Gudoomiyaha xuquuqal Insaanka, inuu ku shaqaysto mihnad qareenimo oo uu Maxkamadda kaga difaaco dadka, isla markaana dacwadda uu hayo ka dhigaya ku xad gudub ka xuquuqal insaanka oo uu hay,addaha ku shaqada leh uu u sheegayo in lagu xad gudbay xuquuqal insaanka. Hadaba, waxaan kuu soo jeedinayaa in laga joojiyo ruqsada qareenimo ee uu ku xad gudbay, maadaama uu Gudoomiye ka yahay xarun xuquuqal insaan, labadaasina aanay  ahayn laba isqabanaya. Sidaa darteed, Gudoomiye waxaan rajaynayaa inaad ka joojin doonto ninkaa ujeeddadiisu kor ku xusan tahay.”

 

Qoraalkaa Wasiirka kadib urur difaaca dadka u doodda xuquuqda aadamaha ayaa dhaliilay talaabaddaa wasiirku qaaday, isla markaana qoraal ay soo saareen waxay kaga dalbeen Gudoomiyaha Maxkamadda Sare inuu buriyo go,aankaa wasiirka.“Wasiirka Caddaaladda iyo Arimaha Garsoorka ee Somaliland waa inuu ka noqdaa go’aanka uu ruqsadii kaga qaaday Guleid Ahmed Jama oo ah qareen u dooda xuquuqda adaanaha.” Sidaas waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay ururka caalamiga ah ee difaaca dadka u dooda xuquuqal insaanka, East and Horn of Africa Human Rights Defenders Project. 16kii May 2016. Warkaa qoraalka ah ee ururku soo saarayna wuxuu u dhignaa sidan;  “waxa la qaybiyay waraaq ka soo baxday Wasiirka Caddaalada oo ka codsanaysa Gudoomiyaha Maxkamadda Sare inuu ka qaado ruqsadda qareenimo Guleid Ahmed Jama.

Guleid waa difaace xuquuqal insaan oo caan ah islamarkaana waa gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka oo ah urur hormood ah oo u dooda xuquuqda aadanaha oo saldhigiisu yahay Hargeysa.

 

Waraaqda Wasiirku soo saaray oo ku taariikhaysan 10ka April 2016, waxa Wasiirku ku eeddeeyey Guleid xadgudub maadaama oo uu isku hayo qareenimo iyo gudoomiyinimada urur xuquuqda aadanaha u dooda. Guleid iyo Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay 16kii March uga doodeen dacwadda Saado Jaamac Aadan oo ah qof shacab ah oo booliisku soo xidheen ayna dacwad kaga hor oogeen maxkamad ciidan iyada oo loo diiday inay la kulanto qareen.

 

Guleid wuxuu waraaq u qoray Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud iyo Wasiirka Caddaaladda 16kii March 2016 isaga oo ku canbaareeyey xadhiga iyo haynta qayrul dastuuriga ah ee Marwo Saado ee ay u gaysatay maxkamad ciidan, isaga oo ka codsaday in dacwadeeda lagu qaado maxkamad caadi ah (civilian court).

 

Sida Sharciga Somaliland dhigayo, Gudida Ruqsad bixinta iyo Anshax-marinta Qareenada ayaa awood u leh inay la noqoto ruqsadda qareenimo, balse awood uma laha Wasiirku. Taas oo la samayn karo oo keliya kadib marka lagu sameeyo baadhitaan qoto dheer eedaha islamarkaana si cadaalad ah loo dhegaysto dacwadda. DefendDefenders wuxuu canbaaraynayaa xad gudubka awoodeed ee uu ku kacay Wasiirku iyo is hortaagga uu iska hortaagay Guleid inuu guto hawshiisa xuquuqal insaan. Waxayna ugu baaqaysaa Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland inuu buriyo go’aanka oo uu u ogolaado Guleid inuu ku shaqaysto qareenimada, siina wato hawsha muhiimka ah ee xuquuqal insaan ee uu hayo  islamarkaana uu xor ka noqdo kaddeed maamul iyo mid sharci.”

Hay’adda Front Line Defenders ayaa Walaac ka muujisay dhacdadan baaqna u Soo dirtay Somaliland.

 

Dedaalka uu Wasiirka cadaaladda Somaliland ku doonayo in shaqada laga joojiyo qareen Guuleed Axmed Jaamac, ayaa waxay soo jiidatay indhaha beesha caalamka, gaar ahaan hay’adaha u dooda xuquuqal insaanka, waxaanay durba qaarkood soo saareen baaqyo ay u soo dirayaan dawladda Somaliland.

 

Hay’adda loo yaqaan Front Line Defenders, ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in talaabada wasiirka cadaaladda Somaliland muujinayso inay la xidhiidho hawsha ilaalinta xuquuqal insaanka ee uu Guuleed Axmed Jaamac hormuudka ka yahay.

 

Waxay xaruntani tilmaantay in meelaha Guuleed laga raacay ay ka mid tahay haweenayada lagu magacaabo Saado Jaamac Cawad oo uu garyaqaan Guuleed u yahay qareen difaacaya oo u doodaya. Saado ayaa laga soo xidhay magaalada Berbera ee gobalka Saaxil. “Sababahan dartood, Guuleed Axmed Jaamac, wuxuu uga doodayay qaddiyadeeda [Saado] wasaaradda cadaaladda, wasaaradda arrimaha gudaha iyo xeer ilaalinta guud.”

 

Waxa ay xaruntani sheegtay in talaabadani ka mid tahay talaabooyin ay xukuumadda Somaliland kula dagaalamayso qareen Guuleed.

 

“Fornt Line Defenders, waxay aaminsantahay in shaqo ka joojinta Guuleed Axmed Jaamac ay si toos ah ula xidhiidho shaqadiisa difaaca xuquuqal insaanka, gaar ahaan u doodista Hooyo Saado Aadan Jaamac, ka dib xidhitaankeedii.” ayay xaruntani ku soo gunaanaday hadalkeeda.

 

Xarunta East and Horn of Africa Human Rights Defenders Project ayaa baaq qaylo dhaan ah ka soo saartay

 

Xarunta kale ee lagu magacaabo East and Horn of Africa Human Rights Defenders Project, ayaa iyaduna dhambaal qaylo dhaan ah ka soo saartay talaabada wasiirka.

 

“ Waraaqda Wasiirku soo saaray oo ku taariikhaysan 10ka April 2016, waxa Wasiirku ku eedeeyey Guleid xadgudub maadaama oo uu isku hayo qareenimo iyo gudoomiyinimada urur xuquuqda aadanaha u dooda. Guleid iyo Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay 16kii March uga doodeen dacwadda Saado Jaamac Aadan oo ah qof shacab ah oo booliisku soo xidheen ayna dacwad kaga hor oogeen maxkamad ciidan iyada oo loo diiday inay la kulanto qareen.”

 

Xaruntani waxay sidoo kale talaabada wasiirka la xidhiidhisay kiiska uu Guuleed difaacayo ee hooyo Saado Jaamac Cawad.

 

“DefendDefenders wuxuu canbaaraynayaa xad gudubka awoodeed ee uu ku kacay Wasiirku iyo is hortaagga uu iska hortaagay Guled inuu guto hawshiisa xuquuqal insaan. Waxayna ugu baaqaysaa Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland inuu buriyo go’aanka oo uu u ogolaado Guled inuu ku shaqaysto qareenimada, siina wato hawsha muhiimka ah ee xuquuqal insaan ee uu hayo  islamarkaana uu xor ka noqdo kadeed maamul iyo mid sharci.”

 

Yaa qareen shaqada ka joojin kara?

 

Dad badan oo aqoon u leh arrimaha qareenimada, ayaa aaminsan in cidda awood u leh in qareen shaqada laga joojiyaa ay tahay guddiga u xilsaaran ruqsad siinta iyo anshax marinta qareenada Somaliland.

 

Somaliland waxay leedahay Xeerka Qareenada, Xeer Lr. 30/2004, oo ah xeer Baarlmaanku ansixiyay madaxwaynuhuna saxeexay. Xeerkaasi wuxuu abuurayaa Gudi u xilsaaran ruqsad siinta iyo anshaxmarinta qareenada.

 

Qodobka 13 ee Xeerka Qareenadu wuxuu sheegayaa in Gudida Ruqsad Bixinta iyo Anshax marinta Qareenadu ay awood u leeyihiin guud ahaan anshaxmarinta qareenada gaar ahaan awoodda inay ka qaadaan ama ka laalaan qareen ruqsad iyada oo loo raacayo qaabka ku xusun qodobka 14aad ee Xeerka Qareenada oo tilmaamaya falalka qareen ku waayi karo ruqsadiisa. Falalkaas oo ah hadii uu galo dembiyo culus sida hadii uu laaluush siiyo garsoore, hadii uu markii hore khiyaano ku helay ruqsadda, hadii ay burto shuruudihii markii hore lag siiyay iyo hadii uu ku shaqaysto ruqsadda iyada oo laga hakiyay.

 

Maxay Sababi kartaa Cadaadiska Qareenka Xuquuqal Iinsaanka u Doodaa.

 

Sida laga dareemi karo dhawaaqa hay’adaha caalamka ee xuquuqal insaanka, waxa ay shaqo ka joojinta Guuleed lagula ordayaa la xidhiidhaa arrimo kale oo ka baxsan mihnadiisa sida kiiska hooyo Saado Jaamac Cawad oo uu u yahay difaace xuquuqdeeda u doodaya.

 

Sidaas darteed, waxa laga yaabaa in talaabada wasiirka cadaaladu ay Somaliland ku soo jeediso indhaha hay’adaha xuquuqda aadamaha difaaca ee caalamka.

Guleid waxa la xidhay April 2015 kadib markii uu waraysi siiyay BBCda oo uu kaga hadlay dillal masuuliyiinta Somaliland ay markaas fuliyeen, iyo in dib u habayn garsoorka lagu sameeyo.

Waxa la sii daayay kadib markii uu ka soomay cuntadada si uga mudaharaado xadhigiisa.

Comments are closed