|

Suldaanka Guud ee Beesha Subeer Awal oo ka hadlay Nooca Xidhiidh ee Ka dhexeeya Somaliland Iyo Jabuuti DAAWO

Hargaysa 22.May 2016 (SDN/QJ):- Suldaanka Guud ee beelaha Habar Awl, Suldaan Xasan Sul. Cabdillaahi Sul. Cabdiraxmaan ayaa sheegay in aan la isku diri karin Shacabka jabuuti iyo Shacabka Somaliland, islamarkaanna wuxuu sheegay inuu fadqalaladda waddo nin baayacmushtiriya oo cadow ku ah Somaliland.
Sul. Xasan Sul. Cabdilaahi Sul. Cabdiraxmaan wuxuu sheegay inay ka qaybqaadanayeen rag uu sheegay inay yihiin raggii farafareeyay sandaladda.
Suldaan xasan suldaanSuldaanku wuxuu sidaa ku sheegay shirjaraaid oo uu ku qabtay shalay Hoteel Xaraf ee Magaaladda Hargeysa “Jabuuti suldaan baan u ahay, Somaliland suldaan baan u ahay, Itoobiyanna Suldaan baan u ahay. Waxa jirtay maalmahan baa arrimo la walhinayo oo uu waddo nin dibad joog ahi oo aanan magacaabayn baayacmushtarin ah oo cadow ku ah Jabuuti halkan nagu soo dhex tuuraya inay maanta labadda shacbi isku dhacaan, adeer nalagu soo dhex tuuri maayo baanu leenahay isaga iyo inta la wadda, in jabuuti iyo Somaliland coloobaan oo ay ka mid yihiin raggii maalintii dhawayto Sandaladda fara-faraynayay ayaynu xagan laftigeedii wax ka yara dareemaynaa oo aynu arkaynaa inay iyaga laftigoodu wax ugu jira garan maynee, shacabka Jabuuti iyo Somaliland waa walaalo cid isku diri kartaa ma jirto, cid dhexgali karta ma jirto.”

Sidoo kale, Suldaanku wuxuu shacabka jabuuti ugu baaqay inay ku fara adagayaan madaxweynahooga iyo xukumadooda“Madaxweynaha jabuuti caleemosaarka dambe ee la caleemo saaray iyo shacbigiisu siday u soo doorteen waanu ku hambalyaynaynaa oo wax weeyeen waa loo gartay oo waa madaxweynihii horumarka siduu maanta ka dhigay Jabuuti, aniga waxa iigu dambaysay maalintii aan bixinayay inantiisa oo yacni waa kaaf iyo kala dheeri halka uu horumarka ka soo bilaabay in la hiigsaddanna waa waajib, shacabka reer Jabuuti waxaan leeyay ku fara-adaga Madaxweynihiinna iyo dawladiinna.”ayuu yidhi Suldaan Xasan

Dhinaca kale, Suldaan Xasan Sul. Cabdilaahi wuxuu sheegay inuu soo dhawaynayo maalgashigga lagu sameeyay dekeda Berbera “Maalgashi kasta oo dalkan ka dhacaya waanu soo dhawaynaynaa, maalgashigii waa muhiim, qarankan in loo fooftagaanna waa muhiim. Dadkii xoolihii way ka baxeenne waxa loo baahan yahay gurmad, raashin in loo geeyo ayay u baahan yihiin, waxyaabo kale in loo geeyo ayay u baahan yihiin. Reer miyigu waa maato oo haddii aynaan waxba ku celin waxba inoo hagaagi maayaan.”Ayuu yidhi Suldaan Xasan

Comments are closed