|

“Waxa Jira Dad Badan Oo Cadow U Ah Somaliland Iyo Jabuuti Oo Doonaya Inay Isku Dhuftaan…” Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani

Hargaysa 22.May 2016 (SDN/QJ):- Suldaanka Guud ee beelaha Habaryoonis, Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, ayaa raaligalin ka bixiyay aflagaado uu sheegay in lagula kacay madaxweynaha Jabuuti iyo shacabkiisa, islamarkaanna wuxuu ka digay inay jiraan dad cadow ku ah Somaliland iyo Jabuuti oo doonaya inay isku dhuftaan labadda shacab.

Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi QaniSuldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani ayaa sheegay inuu Madaxweynuhu ka hadli lahaa haddii si xun loo qaabilay waxaanuu yidhi,“Shirkaygan jaraaid waxa kalifay in aan qabto soo dhawayntii madaxweynaha ee shacabka reer Somaliland ka cawdeen ayaan wax yar ka odhanayaa. Marka horre madaxweynaha Jabuuti iyo shacabka reer Jabuuti intaba wixii aflagaado nagaga yimi aniga oo ah Suldaanka guud Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, waxaanu xaal ka siinayna madaxweynaha Jabuuti iyo shacabkiisa oo waanu ognahay shacabka jabuuti wixii ay nala soo mareen ama noo qabteen, runtii wax lagu hilmaami karo maaha, madaxweynahanna baratakool xun laguma qaabilin, baratakool wanaagsan baa lagu qaabilay, dad aan dawladnimadda iyo baratakoolnimadda garanayn baa hororsaday, ee Madaxweyne Siilaanyo wuu yaqaanna baratakoolka oo muu dhaliilin, laakiin isagoon waxba la waydiinin baa la hororsadday. Marka waxaan leeyay Madaxweynaha jabuuti iyo umadda reer Jabuuti raaligalin baan ka bixinaynaa.”Ayuu yidhi Ismaaciil Cumar Geelle

 

Sidoo kale, Suldaanku wuxuu sheegay inay jiraan dad badan oo cadow ku ah Somaliland iyo jabuuti waxaanuu yidhi,“Waxa jira dad badan oo cadow u ah shacabka reer Somaliland iyo shacabka jabuuti baa oo doonaya inay isku dhuftaan oo raba inay soo dhexgalaan oo ay ka dhex faa’idaysataan, waxaan ka digaya in aan arrimaha loo dhega-nuglaanin dhankastaba ha joogaanne, Ismaaciil Cumar Geellanna wuxuu taro mooyee shacabka reer Somaliland waxba ma yeelin.”

Comments are closed