|

BOQOR RAABI: “Raggii Dhibaatada Ka Gaystay Banka Qool-cadey Waa In Maxkamad Lasoo Taagaa’’

RAABI

Hargeysa,21,5,2016 (QJ/SDN) – Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo ka mid ah madaxda dhaqanka Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay Xiisaddii ka taagnayd banka Qool-cadey iyo xaaladdiisa caafimaad.

Ugu horrayn, Boqor Raabi oo in muddo ah u jiifay xanuun ayaa ka warbixiyay xaaladdiisa caafimaad, isagoona u mahadceliyay dhammaan cidkasta oo ka qayb-qaadatay ama la tacaashay caafimaadkiisa muddadii uu xanuunsanaa.

‘’Waxan u mahad naqayaa dadkii ka qayb-qaatay caafimaadkayga ama ii duceeyay ee gacan ka gaystay, waxaana leeyahay waad mahadsantihiin, aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinayaa, Illaahay haydinka jazaa’I siiyo, cisi iyo sharaf ayaanan idiin rajaynayaa, mana soo koobi karo dadweynihii dhinac kasta oo ay tahay waana u mahacelinayaa” ayuu yidhi Boqor Raabi.

Boqor Raabi, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay abaarihii dhawaan dalka ku dhuftay iyo qaabkii loo qaybiyay mucaawinadii loogu talo-galay dadka abaaruhu saameeyeen, isagoona sheegay in Bulshada Banka Qool-cadey ku dhaqan aan la gaadhsiin mucaawino ku filan wakhtigii abaaraha.

Boqorku isagoo markale arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi: “ Intii aan xanuunsanaayay waxa kale oo iigu soo biirtay oo wararku igu soo gaadheen in halkii qadiyadii Banka inay abaaro dhaceen, inay dhibaatooyin faro badan dhaceen in aad dadkii wixii mucaawinooyin la bixiyay hadday tahay carabta iyo hadday tahay ummadda Soomaaliyeed iyo hadday tahay cidkasta oo mucaawino bixisay waxaan ogsoonahay oo warku igu soo gaadhay in aanay halkaa wax mucaawino ahi ka gaadhin, marka laga reebo inyar oo biyo ah’’

Dhanka kale, Boqor Raabi ayaa waxa uu soo hadal qaaday Iska-hor-imaadkii dhawaan ka dhacay banka Qool-cadey, kaasi oo halkaasi ay ku dagaallameen dad shicib ah iyo ciidan ka tirsan kuwa Somaliland, isagoona sheegay in uu maxkamad soo taagi doono ciddii amartay in ciidanka Somaliland Tikniko u adeegsadaan dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa Banka Qool-cadey.

‘’Waxaan aad iyo aad uga xumahay dhibaatadii ka dhacday halkaas [Banka Qool-cadey], daruurtii u horaysay markay heshay banka oo ay dadku kusoo guureen oo ay la doog dhabanayeen buskii iyo xareedii afka ay kaga cabayeen oo ka waayeen in Soddon tikniko ah loo kaxaysto waa arrin aad iyo aad u dhibaato ah markaa arrintaa waan ka xumahay, waxaana doonayaa oo aan dadweynaha u sheegayaa oo aan u sheegaynaa qoloda Human Rightska iyo cidkasta oo nabad-gelyada jecel iyo cidkasta oo danbiyo laga galo in la dhagaysto.

Waxaana doonaynaa in ciddii amarkaas bixisay 30 Tikniko ah oo dad masaakiin ah oo abaar kasoo doogay oo dhibaataysan oo u baahan in la caawiyo in xabbad loogu abaal gudo aad iyo aad baan uga xumahay, waxaana leeyahay dadkii amarka bixiyay iyo ciddii ka qayb-qaadatay dhibaatadaa iyada ah ee dadka rayidka ah ee Ooman ee haraadan ee dhibaataysayn uu ugu abaal guday ciidanka, waxay galabsadeena waa waxaan is waydiinayno, waxaana doonaynaa ciddii amarkaa bixisay in Maxkamad lasoo taago man aka xadhi doono ha ogaadaan’’ ayuu yidhi Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaah.

Boqorku isagoo hadalkiisa  wata waxa uu intaas ku daray; ‘’waxa kale oo aan ka hadlayaa in reerkayagii maanta la kala qaybiyo oo reer-reer gooni loola baxo oo la yidhaahdo reerkaas uun baa waxaaas wada reerkaasna ma wado, waxaas in loo kala qaybiyo waan ka xunnahay, mana jirto taasi waa been cad oo aanu u sheegayno dadweynaha in aanay waxba ka jirin dadkuna uu dad isku mid ah yahay, wax allaale iyo waxaas la sheegayaana ay been tahay reer gaar ahi ma doonayo reer gaar ahina waxan ma wado ee waa qaddiyad reerku ka midaysan yahay’’

Comments are closed