Tixdii Mujaahid Axmed Mire Iyo May-Ka 1988…Cabdiwelli Yalas
Maalin baa anaga oo dhawr nin ah oo fadhina meel lagu cabo shaaha oo nin odayi nooga sheekay-naayo kulan uu la yeeshay Mujaahid kii wayne Axmed Mire oo ay maalin hore kulmeen ugana sheekeeyey ninkaa odayga ah iyo rag kaleba taariikhdii Dahabka ahayd ee SNM.Ayaa anagoo ninkii odayga ahaa afkiisa weedhaha iyo kelmedaha ka soo baxaya ku raaxaysanayna oo aad ugu faraxsan taarikhdaa uu odaygu nooga sheekaynaayo ayaa nin meel halkaasa fadiyaa yidhi waar nagala taga Axmed Mire la haane muxuu yahay Axmed Mire.
Markaa waxaan u arkay inuu ninkaasi yahay abaal laawe oo uu yahay nimaan wixii Mujaahidku aa wadii u soo maray qirayn.Waxaanaan ka curiyey tixdan gaaban ee hoos ku xusan.
Raga kii xiniiyo leh ifkaba kuma xurmaysaane
Maalintaa xabaal lagu ridaa wada xambaartaane
Markaasaa ku xamantaan libtaa ka xakamayseene
Ilaah baa dunida xaakimoo xaasil keeda lehe
Asagaan xaqiyo baadil kaba xarafka daahnayne
Xogagaalka waataad ahayd mxmdow xaadirka ahaaye
Xuruntii markii la isku galay xamastu kuu taalay
Xuladada markii la isku xidhay xumaha diidaayey
Xabsiyada markii lagu guraye la xabadaynaayey
Xilahaba markii la ina yidhi dib u xalaaleeya
Xirfadii dhaqaaliyo markii xoogsi laga waashay
Dalka gabadh xishootiyo markii xaaji socon waayey
Xaragada markii la ina yidhi xeerku qorimaayo
Xeebaha markii lagu dilee lana xasuuqaayey
Xalka qudhi markii uu ahaa xoolo badan keena
Ilaah baa dunida xaakimoo xaasil keeda lehe
Asagaan xaqiyo baadil kaba xarafka daahnayne
Xogagaalka waa taad ahayd xaadirka ahaaye
Xigtadii Jabuutiyo halkaan xidid ka dhawraayey
Xassan wayka hoostee markuu xadhiga qoolaayey
Xaqdarada shirkii lagu qabtaan dunidu xaalaynin
Xaqiirkii Siyaad iyo markuu xayle gacan siiyey
Xukun kii qadhaadhaa markuu xaashadaha buuxshay
Xarshin iyo markii la ina yidhi yey xalxalis dhaafin
Xabashigu markii uu is yidhi yey xad kaba gaadhin
Sidii aan xayeesh nahay markuu xero i noo ootay
Ilaah baa dunida xaakimoo xaasil keeda lehe
Asagaan xaqiyo baadil kaba xarafka daahnayne
Xogagaalka waa taad ahayd xaadirka ahaaye
Xeeladaba ninkii keenay iyo xoog in lagu jiidho
Xiisaha ragii qabay ninkii xarafka qayb siiyey
Xarbi baa la gelayaa ninkii xaadir ugu sheegay
Xidigii habeen dumay dhirtiyo xagarka soo jiidhay
Jalfistii xabaalayd ragii xabadka soo saaray
Xadi badan ragii gaw ka dhigay geeshki lagu xeeray
Xaydh ducato baalaha kuwii boqolka xaadh-siiyey
Xayo calal falaaxdii kuwii xamarta soo foolay
Xili ay aroor tahay ragii cadawga xuurteeyey
Xeryihii colkii weeraray libinta soo xaabshay
Xagaafyada kuwii maydla dilay xuurtu madhinwaday
Xabadoodu kuwii ay ragbadan xanafta qaadsiisay
Cadceed iyo markii la isku xidhay, xarunta kii haystay
Xaraabaa Togdheer maalin-tay wada xadraynaysay
Xaafadaa magaalada jimcii la xafladay-naayey
Ilaah baa dunida xaakimoo xaasil keeda lehe
Asagaan xaqiyo baadil kaba xarafka daahnayne
Xogagaalka waa taad ahayd xaadir ka ahaaye
Xusuustuu ku qoranyee ninkay xulatay taariikhdu
Rag markuu xisaabtamay ninkii xubinta dheeraaday
Xarfadiyo dagaal kaba ninkii lagu xushmaynaayey
Weli waa xasuustaa ninkay xaradhay jiidh-kiisa
Lafta adhi ninkii loo xoqaye madaxa loo xaadhay
Raxmaan-kaa ninkaa xaafidee xeer u may dhgane
Xasad baa hakaa ina dhigiyo duudsigaa xaqa e
Xajka inaad u gudataa haboon, xay intaad tahaye
Waa xayn falaasha ah markay xamar ku baaqaysay
Axmed mirii xiqdiga diiday ee ina xoray-naayey
Rag kii xorkaa dhigay maxaad uga xishoon weyday.
Waa bilaahi tawfiiq
By Cabdiwelli yalas.