|

Haweeneeyda Ugu Cimriga Dheer Caalamka Oo Weli Gashaanti Ah Kana Sheekaysay Rajadeeda Inay Hesho Nin U Qalma

Washington 20.May 2016 (SDN/QJ):- Emma Morano, waa Haweeneey u dhalatay dalka Italy, waxaa la sheegay inay tahay Haweeneeyda ugu cimriga dheer Caalamkan aan hadda ku nool nahay sida uu sheegay machadla lagu ururiyo arrimaha layaabka leh, misna go’aansatay inay muddo dheer ku noolaato gabadhnimo (Gashaanti) kadib markii ay ku guul darraystay isku daygeedii ugu horraysay ee ay ku cugatay nin ay doonaysay in ay nolosha la wadaagto muddo aad u dheer ka hor.

392999-49a6c0a4-5a3e-11e3-b7ab-c407036b0b36Warbixin uu dhawaan qoray wargeyska New York Times, ayaa waxaa lagu sheegay in Emma Morano ay tahay Haweeneeyda ugu cimriga dheer Haweenka haatan ku nool dunida, da’deedana waxaa lagu sheegay 116 sanadood iyo 169 maalmood. Cajuusaddan Emma Morano waxa ay dhalatay sida taariikhdeeda lagu sheegay

Waxay dhalatay 29-kii November 1899, ama Qarnigii 19-aad. ama haddaan si kale u nidhaa waa qof ka mid ah dadkii ugu dambeeyay ee dhasha Qarnigaasi Sagaal iyo Tobnaad. Haweenayda Emma Morano, waxay sheegtay in sirta ka dambeysa ee ay aaminsan tahay in cimrigeedu dheeraado ay tahay ee ah in ay intaas oo sannadood noolaato ay tahay, in maalintii ay cunto ahaan u qaadato oo kali ah 3 Xabbo oo Beed Ah oo aan la karin, laakiin waxay sheegtay in hadda ay kusoo gaabsatay laba xabbo oo Beed ah iyo in yar oo khudaar ah, mudadaa ay jirtayna in aanay cuntada iska dhargin jirin ee ay qaddar dhexdhexaad ah ka qaadan jirtay. In ay lugayso oo ay jimicsato iyo in aanay waligeed murugo la seexan. Haweenaydan duqada ah ee gashaantida ai waxa ay tidhi: “Waxaan isku dayay in aan guursado markii iigu horeeysay 1938-kii, guurkaasi ma guulaysan oo la iskuma waafaqin guur rasmi ahaan u dhaca ee farxad la’aan ayuu kusoo dhamaaday, wixii markaas ka dambeeyayna ma guursan oo gashaanti ayaan ahaa illaa iyo hadda oo aan gaboobay oo aanu cimri ii hadhsanayn balse wali waxaan ka rajo qabaa in aan helo say nolosha inta ii hadhay aannu farxad qoysnimo wada qaadano.” ayay Emma Morano ku tidhi wariyihii waraysanayay oo ka tirsanaa New York Times.

Comments are closed