Nin Xubintiisa Taranka Ku Waayay Kansar Oo Lagu Guuleystay Inuu Bil Kaddib uu Bogsaday Kadib Markii Lagu Rakibay Xubinta Nin Meyda
Massachusetts 20.May 2016 (SDN/QJ):- Sida ay qoreen qaar ka mid ah Wargeysyada Mareykanka, Dhakhaatiirta Cisbitaalka caanka ah ee magaalada Massachusetts oo ka tirsan gobolka Boston ee dalka Maraykanka ayaa ku guuleystay in ay daaweeyaan nin xubintiisa taranka (Xiniinyaha) ku waayay cudurka Kansarka, kaddib markii ay ku rakibeen xubinta nin kale oo geeriyooday, qalliinkaasi oo muddadii uu socday si weyn adduunka looga dhur sugayey sida loogu guulaysan karo in xiniinyaha nin geeriyooday inta la soo jaro lagu rikibo nin kale oo nool oo xiniinyihiisii ku waayay Cudurka Kansarka oo kaga dhacay sidaana lagaga gooyey.
Ninkan oo lagu magacaabo Thomas Manning oo uu ku dhacay cudurka Kansarka ayaa sababay in kaadidu ku xidhanto isla markaana xubintiisa taranku uu noqoto mid howlgab ah. Howl-galka dhakhaatiirka Cisbitaalka.
Massachusetts oo socday muddo 15 saacadood ah ayaa waxay xaqiijiyeen inay ku guuleysteen hawshoodii, kaddib markii uu caadi ahaan u shaqo bilaabay xubintii lagu rakibay dhibane Thomas.
Waa markii ugu horreysay oo dhacdo noocaan ah caalamka laga sameeyo, iyadoo horumarka dhinaca caafimaadka ee dalalka hore u maray markan uu sii kordhayo, waxayna tallaabadani noqoneysaa mid toddobaadkan si weyn looga hadal hayo dunida.
In badan waxa ay dhakhaatiir badan oo adduunka ahi hore isugu dayeen rag siyaalo kala duwan ku waayay xubnahooda taranka in uu si uun maarayn loogu helo balse tani waxa ay noqonaysaa mid mucjiso ah oo soo jiidatay kooxo badan oo caafimaad oo rabay in ay rag badan xiniinyahooda ka badalaan kuna rikibaan xiniinyo rag geeriyooday.
Rag badan oo dagaalada ay ka qayb galaan ama cudurro ku dhacay ku waayay xubnahooda taranka ayay tani u noqonaysaa nafaxaad iyo soo jiidasho rajo badan leh waxaana taasi rumeeyey markii ninkii Thomas uu galmo raaxo leh sameeyey isaga oo aan dareemin wax dhibaato ah.