|

Madaxweyne SIILAANYO Oo Khudbad 40-ilbidhiqsi Ah Ka Jeediyay Xafladdii 18-May Ee Madaxtooyada

siilaanyo

Hargeysa,19,5,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ayaa khudbad aad u gaaban ka jeediyay xaflad ka dhacday caawa qasriga Madaxtooyada, taasi oo loogu dabbaal-deggaayay munaasibadda 18-May.

Madaxweynaha ayaa khubaddiisa hambalyo ugu diray dhammaan shacabka Somaliland munaasibadda 18-May awgeed, isagoona shacabka Alle uga baryay in uu sanadka xiga ku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo.

Mudane Siilaanyo oo Khubaddiisu ay ka koobnayd 40-ilbidhiqsi ayaa yidhi; ”Bismillaahi Raxmaani Raxiim Alxamdulillaahi Rabbil caalamiin Wassalaatu wassalaamu calaa rasuulillaah. Caawa waxaan joognaa xafladdii dabbaal-dega 18-May, waa maalintii 25 sanno ka hor aynu lasoo noqonay madax-banaanideenii, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacbi waynaha Somaliland meel ay joogaanba, waxaan xafladda kusoo dhaweynayaa madaxda qaranka, diblumaasiyiinta iyo marti-sharafta innooga yimi waddamada aynu saaxiibka nahay, Illaahay waxaan ka baryayaa in sanadka kale inagu gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo.. Aammiin Aammiin. Wasalaamu Caleykum waraxmatullaahi wabarakaatuh’’.

Khudbadda caawa uu madaxweyne Siilaanyo ka jeediyay qasriga madaxtooyada ayaa noqon doonta tii ugu danbeysay ee uu shacabkiisa u jeediyo muddada uu xilka hayo, maadaama muddo xileedkiisu uu ku eegyahay horraanta sannadka soo socda.

Si kastaba ha ahaatee, 25-sanno ayaa kasoo wareegatay markii ay Somaliland ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, iyadoona wixii intaas ka danbeeyay ay Jamhuuriyaddu ku tallaabsatay horumarro kala duwan.

 

Comments are closed