Khilaafka ansixinta heshiisyada doorashada Somaliya oo weli taagan Iyo Wefti Beesha Caalamka ka socda oo Maanta Muqdisho ku fool leh.
Muqdisho 19.May 2016 (SDN/QJ):- Wararka laga helayo kulamo 24kii saac ee lasoo dhaafey Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah iyo Ra’isal wasaaraha Somaliya la qaateen guddi BFS u xilsaarey dib eegista heshiiska doorasho ee Somaliya ayaa waxay ku soo dhamaadeen guuldaro.
Kulan xaley gaarey galinkii dambe kaasoo ka socdey halka la yiraahdo Villa Hargeysa ee xarunta madaxtooyada Muqdishu ayaa wararku sheegayaan in aan la isku afgran waayey qodobadii laga wada hadlayey kuwasoo ugu muhiimsanaayeen aqalka sare ee Barlamanka Federaalka Somalia [ BFS].
Xubnaha gudigaan ayaa qaarkood ku doodayaan in aqalka sare ee Barlamanka meesha laga saaro hadii kale xubnaha uu ka kooban yahay la kordhiyo oo lagu daro xildhibaano ka socda gobolka Banaadir.
” Wadahadalkan ayaa inta uu socdey xubnaha gudiigaan waxay Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isal wasaare Cumar ka dalbadeen in heshiiskaan gaar ahaan aqalka sare dib ugala noqdaan madaxda maamulada taasoo lagu darayo xubnaha aqalka sare 8 xildhibaan oo matali doona gobolka Banaadir.” Sidaas waxaa sheegey xubin ka tirsan guddigaan oo magaciisa diidey in la shaaciyo.
Qodobka kale ee laga wadahadlayey ayaa ahaa tirada dadka ee dooranaysa xildhibaanada aqalka Hoose taasoo guddigaan damcey iney ka dhigaan 31 qof balse markii dambe la isla gartey in tirada 51 xubnood laga dhigo halkii ay ka aheyd 50.
Wararka laga helayo ayaa sheegaya in iyadoo khilaafka aqalka sare jiro weli gudigaan u gudbin doonaan Barlamanka Federaalka ah in uu cod u qaado heshiiskaan.
Barlamanka ayaa ku qaybsami doona cod biixntaan sida ay odarasayaan qaar ka tirsan xildhibanada iyadoo ay jiraan warar sheegaya in suurtagal tahay in aqalabiyadu u badato in tirada aqalka sare ee Barlamanka Somaliya la kordhiyo taasoo adkeyneysa ku dhaqanka heshiiskaan.
Dhinaca kale magaalada Muqdishu ayaa Khamiista Maanta ah waxaa ku soo wajahan xubno ka socda golaha amaanka [QM] kuwasoo kulamo la qaadan doona madaxda sare ee dowlada Somaliya, madaxweynayaasha maamulada Somaliya iyo qaar ka tirsan xildhibanada.
Booqashada golaha amaanka ayaa wararku sheegayaan iney salka ku hayso sidii dhinacyada kala duwan ee siyaasada Somaliya loogu gudbin lahaa fariin ah in waqtiga doorashada la qabanayo aan la kordhin karin iyo in lagu dhaqmo heshiisyadii la isla gaarey kuwasoo tilmaamayey qaabka loo soo xulan doono xubnaha Barlamanada Federaalka.