Milicsiga Saaka ee Magaalada Hargaysa,Baaxada Ciidan,Dadweyne,Muuqaalada Ashqaraarka leh Iyo Marti Sharaf Ka Qayb gashay Xuska 18 May SAWIRO
Hargaysa 18,May 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Guud ahaan Saaka Gobolada iyo Degmooyinka ay Somaliland ka Kooban tahay ka qabsoomay Xuska Munaasibada 18 May oo ah 25 Guuradii ka soo Wareegtay Markii ay Jamhuuriyadda Somaliland dib ula soo noqotay Madax bannaanideeda 18 May 1991kii.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Shacabka Somaliland ee ku dhaqan Caasimada dalka kala qayb galay Xuska Munaasibada 18 May Isla markaana u Jeediyey Khudbad dhinacyo badan leh.