SAWIRRO: Xuska Maalinta 18-May Oo Si wayn Looga Dabbaal Degay Magaalada Hargeysa
Hargeysa,18,5,2016 (QJ/SDN) – Guud ahaan Somaliland waxa maantalaga xusay maalinta 18-may oo ku beegan maalintii Somaliland ay ka go’day Somalia inteeda kale, waxaana munaasibadahaasi ka hadlay masuuliyiin dowladda ka tirsan oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo.
Magaalada Hargeysa oo iyadu ka mid ah goobaha sida wayn looga xusay ayaa dadweynaha magaalada ciidanka qaranka, iyo dhammaan wasaaradaha ardayda iyo guud ahaan shacabku waxay socod gaardis ah ku mareen waddada way nee hor marta madax-tooyada Somaliland, iyadoo halkaasi uu madaxweyne Siilaanyo shacabka kala hadlay.