|

Gobolka Sanaag oo lagaga dhawaaqay Maamul Goboleed Cusub iyo Aamusnaanta Xukuumadda Somaliland DAAWO

bmXiingalool, 17 May, 2016-(SDN/QJ): – Deegaanno ka tirsan Somaliland gaar ahaan bariga gobolka Sanaag ayaa lagaga dhawaaqay maamul goboleed cusub oo loogu magac-daray Woqooyi-Bari Soomaaliya.
Maamul goboleedkan ayaa la sheegay in ay ka danbeysay kaddib shirar muddooyinkii ugu danbeeyay deegaannadaasi uga socday dadka deegaanka, iyadoona maamulkaasi loo doortay madaxweyne.
Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaan ilaa iminka ka hadal dhismaha Maamul Goboleedkan laga dhex sameeyay Gudaha Somaliland iyadoo si dhaw ula socotay dhaq dhaqaaqyada Shirkaasi mudadii uu socday.

Comments are closed