|

Urur Ku Dayasho Mudan Oo Buuxiyey Kaalintii Ay Banneeyeen Dawladda Hoose Iyo Ta Dhexeba Ee Dayac Tirka Jidadka Halbawlaha Hargeysa

Hargeysa, 17 May, 2016-(SDN/QJ): – Ururka Sama-falka Nasri Foundation oo ay dhawaan aasaaseen dhalinyaro Mutadawiciin ah oo reer Hargeysa ah ayaa soo jiitay Indhaha Bulshada kadib markii ay ururkani hawlo iskaa wax-u qabso ah ku daryeeleen Jidka Isku Xidha Suuqa Dhexe ee Hargeysa iyo Degmada Maxamuud Haybe kaasoo dhaawacyo culusi soo gaadheen muddooyinkii dambe roobabkii cuslaa ee dalka ka da’ayeyna sii burburiyeen kadib markii jidadkaasi gabi ahaanba waayeen wax dayac tir ah oo Dawladda Hoose ama Dawladda Dhexe ahi u qabatay.

13249593_1171615176206461_863619333_nUrurka Dhallinyarada Mutadawiciinta ah ee Nasri Foundation ayaa wax qabad ballaadhan ka fuliyey jidad go’an iyo buundo gabi ahaanba baaba’day jidka Agagaarka Maxamuud Axmed Cali Illaa Total ee Magaalada Hargeysa, jidkaasi oo ah Hawlbawlaha isku xidha Madaarka Hargeysa iyo magaalada Inteeda kale kana mid ah jidadka ugu muhiimsan caasimadda Hargeysa balse nasiib darro ku dhawaa in uu gabo ahaanba Baababa’o haddii aanay waxba ka qaban Dhallinyaradaasi iskood isku xilqaamay ee Caasimadda Hargeysa u dhashay kadib markii ay arkeen sida jidkaasi u baaba’ay ee aanay waxba uga qaban Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo ta dhexe toona.

Dadweynaha caasimadda ku dhaqan ayaa si weyn u soo dhaweeyey tallaabadan ay ururkan is xilqaamay ku kaceen iyaga oo ugu baaqay in ay dadaalkooda sii wadaan umaddoodana u shaqeeyaan maadaama hungo laga joogo oo lagu khasaaray xildhibaanadii Golaah Deegaanka Hargeysa ee u dhaartay Degmada Hargeysa kuwaasi oo ay masuuliyadooda ahayd hawshan ay dhabarka u riteen dhallinyaradan Mutadawiciinta ahi.

13245870_1171615112873134_1122601857_nMudane Khadar Cabdiqaadir Kaarshe (Madaxweyne) oo ka mid ah masuuliyiinta Dhallinyaradan is xil qaamay ee Nasri Foundation ayaa Wargeyska Foore u sheegay in ay ku guulaysteen in ay dayac tir ku sameeyaan qaybihii ugu adkaa ee Jidkaasi burburku ka soo gaadhay gaar ahaan agagaarka Maqaaxida caanka ah ee Jiic Aboor iyaga oo xataa hagaajiyey goob buundo ahayd oo burbursanayd oo jidkaasi ka mid ah isaga oo Khadar-Madaxweyne Foore u sheegay in ay xusid mudan tahay in goobahan ay hagaajiyeen qaybo ka mid ah intii ay burbursanaayeen uu Madaxweynuhu sii maray maalintii dhawayd ee uu safarka ugu kicitimayey dalalka Jabuuti iyo Imaaraadka balse nasiib wanaag uu maanta soo maray goobihii burbursanaa ee uu shalay maray oo maanta dhismay oo aanay dawlad dhexe iyo mid hoose toona hagaajin ee ay dhallinyaradaa is xilqaantay hagaajiyeen.

Mudane Khadar Cabdiqaadir Kaarshe (Madaxweyne) ayaa noo sheegay in ay fikirkan toolmoon ee ay la yimaaddeen ku faafin doonaan dhammaan degmooyinka Caasimaddu ka kooban tahay iyaga oo dhallinyarada degmooyinka kale ugu baaqay in ay fadhiga ka kacaan oo ay iskaa wax u qabso dalkooda ku dhisaan maadaama aanay jirin dawlad hoose iyo mid dhexe oo danaha guud wax ka qabanaysaa.

Comments are closed