Ciidan isugu jira Somali, Mareykan iyo AMISOM oo Maanta Weerar ku Qaaday Deegaanka Bariire
Bariire, 16,5,2016 (QJ/SDN) – Ciidanka Kumaandooska Somalia, AMISOM iyo Ciidamo Mareykan ah, ayaa saakay weerar qorsheysan ku beegsaday deegaanka Bariirre ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Howl-galkan, ayaa waxaa ka qayb qaadanayay Diyaarado kuwa Qummaatiga u kaca ah ee Helicopters-ka, waxaana dagaal muddo socday uu dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamadan huwanta ah, iyadoo la sheegay in Al-shabaab Bariirre laga saaray.
Hay’adda Nabad-sugidda Somalia ayaa sheegtay in ciidamada Gaarka ah ee Komaandoosta Danab iyo kuwa AMISOM ay qaadeen Weerar qorsheysan, ayna howlgalkan ku qabsadeen Saanad ciidan iyo Sarkaal ka tirsan Al-shabaab.
Sidoo kale, Warkan ayaa intaas ku daraya – in Ciidammadaan huwanta ah ay kusoo furteen weerarkaas maxaabiis Al-shabaab ugu xirnayd Saldhigga Bariire, inkastoo tiradooda aan la sheegin.
Dhanka kale, Dadka ku nool Bariirre ayaa sheegaya inay maqlayeen duqeymo diyaaradaha qummaatiga u kaca ay fuliyeen, iyadoo ciidamada wadajirka ayaa howl galka kaddib kasoo laabtay deegaanka.
Al-shabaab oo dhankeeda ka hadashay, ayaa sheegay in ciidammo isugu jira Mareykan iyo AMISOM ay Weerar ku soo Qaadeen Deegaanka Bariirre, laakiin ay iska-difaaceen, mana bixin faahfaahin intaas ka badan.
Ugu dambeyn, Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay iska-horimaadka, iyadoo uu ku soo beegmayo howl-galkan iyadoo dhawaanahan hawlgallo noocooda ah ay qaybo ka mid ah Soomaaliya ka fuliyeen ciidammada kumaadoosta Somalia iyo ciidammo Mareykan ah.