|

Kenya: Nin Alshabaab Horay Uga Tirsanaa oo Toogasho Lagu Dilay

KENYA

Subira Sudi Mwangole oo lagu dilay Kwale Khamiistii lasoo dhaafay


Nairobi, 16,5,2016 (QJ/SDN) – Saddex bilood ka hor ayaa Subira Sudi Mwangole iyo 25 kale oo dabley Kenyan ah oo horay uga tirsanaan jiray Alshabaab ay isu soo dhiibeen booliska Kenya, waa sida laga soo xigtay wargeysta The Standard ee kasoo baxa Kenya.

Waxaa la sheegay in ninkaas uu ku biiray Alshabaab sanadkii 2008 isla sanadkaasna uu tababar u aaday Soomaaliya. Sanadkii kaa xigay ayaa warbaahintu sheegtay inuu dib ugu soo laabtay Kenya.

Ninkaas oo dhallin yaro ahaa ayaa isu soo gacan gashay biliiska Kenya gaar ahaan magaalada Kwale kadib markii bishii Febraayo ee sanadkaan dawlada Kenya ay cafis u fidisay Kenyanka ku biiray Alshabaab hadii ay katanazulaan oo isaga soo baxaan.

Intaa kadib dawladu waa sii deysay oo maadaama uu kasoo baxay Alshabaab, dadkiisa ayuu dhinac ka raacay.

Laakiin waxaa toogasho lagu dilay asbuucii la soo dhaafay. Ilo-wareedyo dhanka heyadaha ammaanka Kenya ah ayaa ku eedeeyay xarakada Alshabaab inay ka dambeyso dilka ninkaa oo kasoo goostay.

Subira Sudi Mwangole waxaa lagu aasay isla magaaladaasi Kwale ayadoo haatana laga cabsi qabo in dilka loo geystay dartii dabley badan oo Kenyan ah ay ka cabsadaan inay isa soo dhiibaan.

Comments are closed