Maxaad ka taqaan Shirkadda Dubai Ports World ee heshiiska la gashay Somaliland (Warbixin+ Sawiro)
Hargeysa, 16 May, 2016-(SDN/QJ) :– Tan iyo markii Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo uu heshiiska la galay madaxda shirkadda Dubai Ports World si ay u maamulaan dekedda Istraatijiga ah ee Berbera, taasi oo ay Somaliland ku baddalanayso maalgashi ballaadhan.
Arintaasi dad badan ayaa ka qayliyay, dawladda Somaliland-na waxay ku mashquulsanayd maalmahan inay shacabka dajiso.
Haddaba si aad fikrad guud uga heshid shirkadda iyo hawleheeda akhriso qormada hoose oo ay Qurbejoog.com idiinka soo diyaarisay Dubai Port World, markaas ayaad kala ogaan doontaa in Somaliland ay tallaabo wanaagsan horay u qaadday iyo in kale, balse adigoon wax badan ka aqoon Dubai Port World, go’aan nadiif ah ma qaadan kartid
Maxad ka taqaan Dubai Ports World (DP World)
Dubai World waa Shirkad caalami ah oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta. Waxayna xoogga saartaa dhoofka badaha, maraakiibta, horumarinta iyo maalgashiga dekedaha iyo magaalooyinka.
Shirkaddan oo ah shirkad heshiisyo waawayn la gasha dekedaha caalamiga ah kuwa xamuulka iyo kuwa ganacsiga waxaa saamiga ugu xooggan ku leh dawladda Dubai.
Dubai Ports World waxay maamushaa in ka badan 60 dekadood iyo terminal oo ku kala yaalla lixda qaaradood ee caalamka oo dhan.
Lacagteeda ugu badan waxay kasoo xerootaa dhinaca xamuulka iyo konteerada.
Dubai Ports World waxay qorshaynaysaa inay dekedado cusub ka furto 10 dal oo caalamka ka mid ah oo ay ku jirto Soomaaliya gaar ahan dekedda Berbera.
Shirkaddan waxaa u shaqeeya 30,0000 (soddon kun oo qof) waxaana xarunteeda ugu wayn tahay magaalada Dubai.
Shirkaddan waxay shaqadeeda waddaa oo maamushaa 7 dekedood oo ku yaalla dalka Shiinaha waxaana kamid ah, Qindgoe Port, iyo port Tianjin iyo kuwo kale.
Dalka India waxay maamushaa 6 Dekadood oo ay kamid yihiin dekeadaha, Chennai Port, Kalupi iyo Mundra.
Dhanka Pakistan dekedda kaliya ee dalkaasi leeyahay ee Karachi ee lagu magacaabo Port Qasim waxaa maamula shirkadda Dubai Port.
Dhinaca geeska Afrika waxay maamushaa laba dakadood oo ku yaalla dalka Djibouti waxaana kamid ah dekedda Port Autonome International de Djibouti iyo Doraleh Container Terminal.
Dhanka kale waxay maamushaa dekedo badan oo ku yaalla Yurub iyo Afrika.
Waxaa intaa dheer in ay shirkaddan maamusho dhammaan dakadaha dalka Imaaraadka.