|

Saamiga Somaliland Ku Yeelanayso Shirkadda Loo Samaynayo Maamuleysa Dekedda, Cadadka Lacagta La Gelinayo Wejiga 1-aad  & Cabbirka Deked Cusub Oo La  Dhisayo

Dubai, 16 May, 2016 (SDN/QJ): – Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa hadal uu u jeediyey dadka reer Somaliland ee ku dhaqan Dubai ayaa ka warramay saamiga Somaliland ku yeelanayso heshiiska maalgashi ee dhexmaray Somaliland iyo Shirkadda DP World iyo waliba sida loo maamuli doono lacagta shan iyo tobanka milyan ee dollar ah ee lagu sheegay xaqul-qallin.

Wasiirka Madaxtooyada SomalilandWasiirka Madaxtooyada oo ka hadlaya saamiga Somaliland ku yeelan doonto heshiiska maalgashi ee dhexmaray xukuumadda iyo Shirkadda DP World ayaa waxa uu yidhi “Shirkadda aynu wada samaysanayno 35% ayeynu leenahay, siyaasaddeena iyo sayladdeenii waa waxaynu haysano, wax lacag ah oo aynu innagu ku bixinayno Shirkaddaasi ma jirto, Adduunka ku baxaya horumarkaas muddo soddon sanadood ah oo dhan afar boqol iyo laba iyo afartan milyan oo dollar waxa bixinaysa Shirkadda DP World, laba boqol iyo soddon milyan ayaa degdeg loo galinayaa oo ah laba qaybood oo kala ah Deked cusub oo afar boqol oo mittir ah iyo dekedeeni hore oo dib loo dhisayo iyo dhamaantood oo lagu rakibayo qalab cusub, lacagta inta hadhayna waxa lagu samayn doonaa Deked kale, marka aynu isticmaalno 75% Dekeddaasi.”.

 

Maxamuud Xaashi Cabdi waxa kale oo uu ka warramay sida loo maamulayo lacagta shan iyo tobanka milyan ah ee lagu sheegay inay tahay xaqul-qallin,  “Waxa kale oo iyaguna ku jira shan iyo tobon milyan oo dollar oo shan milyan la inoo siinayo taag iyo doonyo iyo toban milyan oo naqad ah, waxaana lagu kabi doona lacagtaasi dakhliga sanadka 2016, waxaanay ku dhacaysaa khasnadda Qaranka, xaqul-qallinka Wasiirradayadii hawsha kala gooyey heli maayaan, mid aanu intayadan weftigu ku faro laabayaana maaha”.

Comments are closed