|

Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland Oo Soo Bandhigay Dhoola-tus Hor-dhac U Ah Xuska 18-ka May

Hargeysa, 16 May, 2016-(SDN/QJ) :– Ciidamada kala duwan ee Somaliland, ayaa sameeyay dhoola-tus Qaran oo ay ugu diyaar garoobayaan xuska maalinta la soo noqoshada madax banaanida Somaliland ee 18-Ka May oo Maalmo kooban ka hadhsan yihiin.

Warka-Xuska-18-ka-MayCiidamada Milatariga Somaliland ayaa gaardis ku maray xarunta guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland ee Hargeysa, kuwaasi oo diyaar garow xoogan ugu jira ka qayb-galka xuska 18-ka May oo Somaliland sannad kasta la xuso.

 

Wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde,Taliyaha Ciidamada Qaranka Ismaaciil Shaqale,Taliyaha Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo xubno kale ayaa goob joog ka ahaa dhoolatuskan Milletariga Somaliland ugu sii diyaar garoobayeen maalinta 18-ka May ee madax banaanida Somaliland.

 

Ciidammada Booliiska, Milletariga, Asluubta iyo Laanta Socdaalka, gaar inta loogu talo-galay inay Xuska 25 Guurada Madax-bannaanida Somaliland Gaardi ku soo maraan Goobta Xafladdu ka dhaceyso, ayaa ilaa markii ay bilaabantay bishan May, waxay Subax walba Gaaddo ka ciyaar ku samaynayeen goobo kala duwan oo Caasimadda ah, iyada oo qorshahoodu yahay inay si wanaagsan iskula qabsadaan.

Comments are closed