|

WAR DEG DEG AH : Maamul Goboleed Cusub Oo Lagaga Dhawaaqay Somaliland Gudaheeda

CALI AXMED FAATAX

Xingalool, 15,5,2016 (QJ/SDN) – Deegaanno ka tirsan Somaliland gaar ahaan bariga gobolka Sanaag ayaa lagaga dhawaaqay maamul goboleed cusub oo loogu magic-daray Woqooyi-Bari Soomaaliya.

Maamul goboleedkan ayaa la sheegay in ay ka danbeysay kaddib shirar muddooyinkii ugu danbeeyay deegaannadaasi uga socday dadka deegaanka, iyadoona maamulkaasi isla maantaba loo doortay madaxweyne.

Waxaana wararkii ugu danbeeyay ee aanu ka helayno magaalada Xingalool ay sheegayaan in Cali Axmed Faatax, loo doortay madaxweynaha maamulka la magac-baxay Woqooyi Bari Soomaaliya, waxaana sidaasi warbaahinta u sheegay Afhayeenka Gudiga Siyaasadda Maamul Usameynta Woqooyi Bari Somalia Axmed Jabiye.

Cali Axmed Faatax, Madaxweynaha maamulka cusub ee Woqooyi Bari Soomaaliya ayaa ahaa wasiirkii hore ee wasaaradda qorshaynta maamulka Puntland.

Dhanka kale, maamulkan cusub ee lagaga dhawaaqay gobollada Bari ee Somaliland ayaa waxay wararku sheegayaan in uu taageero ka helayo dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Somaliland ayaan iyadu illaa hadda ka hadlin maamulka cusub ee halkaasi lagaga dhawaaqay.

Wixii warar ah ee kasoo kordha warkan kala soco wararkayaga danbe Insha Allaah.

Comments are closed