|

Dadweynaha Reer Jabuuti oo Dareen Cadho Leh ka Muujiyey Xukuumad uu Soo Dhisay Madaxweyne Geele DAAWO

Jabuuti 15.May 2016 (SDN/QJ):- Madaxweyne Jabuuti ayaa, wajahay xaalada adag oo siyaasadeed ka dib markii uu soo dhisay ,Xukuumad ka Cadhaysiisay Dadweynaha Reer Djabuuti Xukuumadan ayaa, u badan Qoyiska uu ka soo jeedo Madaxweyne Geele ,
Madaxweynaha ismaaciil Cumar Geele oo ah dilaaga afrika isle markaana ku caan baxay shirqoolada lagu dilo siyaasiyiinta ka soo horjeeda ayaa, la filayaa inay ku ka caan duufaano siyaasadeed kuwaasi oo lagag tuurayo kursiga hadbada xukuumadan oo ay ka maqan yihiin dadkii Muxtarimka ahaa ee Reer Jabuuti.
Dadka reer jabuuti ayaa Sheegay inaanay la dhacsanayn Xukuumadan uu soo dhisay Raysal Wasaaraha Jabuuti oo metelaya Madaxweyne Geelle taas oo ay ku sifeeyeen mid aan ka Turjumayn baahida dhabta ah ee Bulshada reer Jabuuti.

Dhinaca kale qaar ka mid ah Madaxda Dhaqanka Somaliland ayaa Dawlada Jabuuti ku dhaleeceeyay Maamuuskii Hoose ee ay ku qaabileen Madaxweyne Siilaanyo oo Axadii Todobaadkii Hore kaga qayb galay Magaalada Jabuuti Caleemo Saarka Madaxweyne Geelle

Comments are closed