|

DHAGEYSO: “Nagama suurowdo inaan Weerarro ka abaabulno xeryo ay ku nool yihiin Qoxooti”

cali dheere

Muqdisho, 14,5,2016 (QJ/SDN) – Al-shabaab ayaa markii u horreysay ka hadashay go’aanka Xukuumadda Kenya ku xidhayso Xerada Qoxootiga Dhadhaab, halkaasoo ay sheegtay in laga soo Abaabulo Weerarrada laga geysto Kenya, iyadoo Al-shabaab ay sheegtay in Xeryaha Dhadhaab aysan ka abaabulin weerarrada ay ka geysato Kenya.

Afhayeenka guud ee Al-Shabaab Sh. Cali Maxamuud Raagge oo la hadlayay qaar ka mid ah warbaahinta Al-shabaab, ayaa sheegay inay Kenya dhaqaale badan ka hesho Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab sida; Xagar-dheer, IFO iyo dhagaxleey, ayna caalamka ku baryaan inay hayaan Qoxooti badan.

Sheekh Cali Dheere ayaa beeniyay in weeraro ay ka Abaabulaan xeryaha Qoxootiga ee dalka Kenya, isagoo xusay in Kenya mar-marsiiyo ka dhiganeyso dhibaatooyinka ay u geysanayso shacabka Soomaaliyeed.

DHAGEYSO: Wareysi Lala Yeeshay Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Dheere

“Annaga marna nagama suuro-gasho in xeryo ay ku nool yihiin shacab Qoxooti ah aan Weerarro ka dhex-abaabulno, Warkaas waa been ay Dowladda Kenya rabto in ay mar-marsiiyo uga dhigato dhibaatooyinka ay dadka ku hayso, gaar ahaan kuwa Soomaalid ah,” ayuu yidhi Sh. Cali Dheere.

Dhanka kale, Afhayeenku wuxuu sheegay inay soo Dhaweynayaan hadii Qoxootiga ku nool xeryahaas dib loogu soo celiso dalkooda, isagoo intaas ku daray in dadka Soomaaliyeed ay yihiin bulsho qani ah oo leh Waddan barwaaqo ah.

Ugu dambeyntii, Xukuumadda Kenya ayaa dhawaan sheegtay inay xidhayso Xeryaha Qoxootiga ee dalkeeda ku yaalla, iyadoo dhammaadka Sannadkan ay sheegtay inay si rasmi ah Albaabada ugu laabi doonto Xeryahaas.

Comments are closed