Daawo:- Wasiir Caddaani Oo Iska Fogeeyay Eedo Musuqmaasuq Oo Loo Jeediyay
Hargeysa,14,5,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxadiid Caddaani oo maanta qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa iska fogeeyay lacago la sheegay in loogu talo galay xuska 18-may taasi oo qaar ka mid ah warbaahintu ay sheegeen in uu wasiirku musuqmaasuqay.