Dekedda Berbera Iyo Mushahaarooyinka Dadban Ama Shaqaalaha Caaqlaha Ah
Hargeysa, 13 May, 2016 (SDN/QJ) :– Laga soo bilaabo ilaa intii uu taladda dalka hogaanka u qabtay Marxuum M I Egal ee kobcinta maamulka iyo dhismaha ciidamadda iyo illaha dhaqaaluhu bilaabmeen waxaa iyana la kordhaayey shaqaalaha magac u yaal ka ah ee ku qoron uun liiska, guryahoodana mushahaaroodinka loogu geeyo iyo kuwa loo yaqaan caaglaha ee ay ku tagrifalaan masuulintu. Caaglayaashaas oo u badanaa dhinaca ciidamadda.
Haddaba dadka mushahaarooyinka ama gunooyinka iska qaataa ma ahayn op keliya dadka qolqoljoogta ah laakiin qurbajoogina way ku jirtaa kuwaas oo dalkii ka soo dhoofay.
Ma soo xaadirayaasha mushahaariga ahi waxaa uu abuurmay xiliyaddii dagaaladda sokeeyahu qaboobeen, wuxuuna gaar u ahaa magalooyinka Berbera iyo Hargeysa dadka degaanka u ah ee awooda maamul xilliyaa ugu tudhtudha roona ama ay gacanta ugu jirtay.
Sababta maanta dad badani uga qaylinayaa wareejinta dekedda iyo heshiiska lala galay shirkaddaa carbeed ee maalgashanaysa Dekedda Berbera, waxay ku lug leedahay danihii dhaqaale ee aan loo sinayn ee ay dad gaari ihi ku qabeen dekedda Berbera oo ay u arkayaan mid sii gudhayaa oo mareegtii naas nuujintu meesha ka baxayso.
Qayladhaanta ka soo yeedhay Ibrahim dhegaweyn ma aha mid damqasho qaranimo (wadaninimo) ka keentay, laakiin waa mid aan gondihiisa ka fogayn iyo heshiiskii lixda bilood ee ka kabashadda ahaa ee dekedda loogu gacan geliyey si loo demiyo utintii xarbul qanabka ee Berbera.
Waxaa hubaala in maanta ay Berberi u dhurandoonta deked caalami ah oo dalka dhaqaale badani ka soo gelidoono, Berberina ay noqon doonto magaalo samaysa shaqo abuur badan iyo horumar.
Heshiiskaas ka dhacay Dubia waxaan jeclaysan dad dano dhaw leh, maamulka Xamar iyo dalka Jabouti, waxaase soo dhaweeyey muwaadinta Somaliland ee jecel horumarka dalka iyo Dawladda Eithiopia oo ku tiirsan Dekedda Jabouti radinaysana il kale.
Qalinkii Mohamoud Aw Hassan Carraale