Yoweri K. Museveni oo Markii Shanaad Loo Dhaariyay Madaxweynaha Uganda
Kampala, 12,5,2016 (QJ/SDN) – Caleemo saarka Madaxweynaha waddanka Uganda yoweri K. Museveni oo markii shannaad maanta loo dhaariyayay xilka madaxweynenimo ayaa waxa xalfada caleemo saarkiisa soo qayb-galay madaxweynayaasha Tansaaniya,Suudaan, Simbaawi , Soomaali iyo Hogaamiyaal kale.
Waxa aad loo adkeeyay Ammaanka magaalada caasimada ah ee Kampla iydoo sidoo kalena la xanibay baraha Bulshadu kuwada xidhiidho.
Hadal uu Munaasbada ka jeediyay Museveni ayuu ku sheegay in uu dhagaysanayo cabashada Mucaaradka.
Hogaamiyaha ugu weyn mucaaradka Waddanka Kizza Besigye ayaa la xidhay maalintii shalay kadib markii uu isu caleemo saaray in uu yahay madaxweynaha xaqa ah ee la doortay. Ilaa iyo haddana waxa uu ku jiraa xabsiga.
Doorashadii ka dhacday waddanka Bishii Febewery ee sannadkan ayaa waxa saluuqay qaar ka mid ah waddamada reer Galbeedka iyo Haayada u dooda Hirgelinta Nidaamka Dimuqraadiyada.
Yoweri Museveni ayaa muddo 30 sanno soo maamulayay dalkaasi waxana uu hadda xilka sii hayndoonaa muddo shan sanno oo kale.
Uganda ayaa saamayn ku leh Soomaaliya maadaama oo ciidamada Ugu badan ee nabad ilaalinta Soomaaliya u jooga ee AMISOM ay u badan Yihiin kuwa ka socda waddankaasi.