|

Daawo:- Somaliland Oo Ka Jawaabtay Muuqaalkii Hore Ee Wasiirka Dekeddaha Soomaaliya

Hargeysa,12,5,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland Mudane Xuseen Aadan Dayr oo maanta qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka jawaabay Muuqaal hore oo ku taariikhaysnaa [April 22, 2015] kaasi oo wasiirka Dekedaha iyo Kalluumaysiga Soomaaliya Nuur Faarax Xirsi uu ku diidanaa in dekedda Berbera lagu wareejiyo gacan shisheeye.

Wasiir Dayr oo u muuqday mid muuqaalka oo  dhawaan ay warbaahintu dib usoo kicisay u haystay mid hadda ay Soomaaliya ka hadashay heshiiska dekedda Berbera ayaa si kulul ula hadlay dowladda Soomaaliya iyo wasiirka dekedaha.

Comments are closed