|

“Waxaan Aad U Aaminsanay Inay Dhici Doonto Midnimadu, Hawshaana Siyaabo Kala Duwan Laysugu Dayayo Oo Ay Socdaan” Xil. Faarax Cabdiqaadir

Muqdisho ,12,May 2016 (SDN/QJ):- Xil. Faarax Cabdiqaadir oo loogu yeedho hogaamiyaha kooxda Damu Jadiid ee gacanta ku haysa soomaaliya, kana tirsan baarlamaanka soomaaliya, isla markaana ah lagu tilmaamo ninka ugu awoodda badan maamulka Xasan Sheekh, ahna  gacanta midig ee Madaxweynaha soomaaliya  Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu raja wayn ka qabo in midnimaddii soomaaliya soo noqoto, taasoo uu xusay in dhabihii ay ku soo laaban lahaydna la hayo.

????????????????????????????????????

Sidaa Xil. Faarax wuxuu ku sheegay waraysi uu ku bixiyay Muqdisho, kaasoo wax lagaga waydiiyay siduu u arko aaya ka tashiga iyo gaar u jooga Somaliland ee ay kaga laabatay midnimaddii dhicisay ee ay lixdankii wada galeen Somaliland iyo somaliya.

Xil. Faarax oo ka jawaabayay su,aashaa laga waydiiyay Somaliland wuxuu yidhi;“Walaahi wax laysaga garaabayo iyo waxaan laysaga garaabaynin labaduba waa jiraan. Horta dadka goboladdaa degani waxay ku amaanan yihiin wax kasta oo wanaag ah oo ay sameeyeen, oo laga yaabo dad kale oo soomaaliyeed oo gobolo kale degani  inay ka gaabiyeen,  ha ahaato nabadda, dibu heshiisiinta, dimoqraadiyadda iyo in nidaam dawladeed la dhiso, markaa taa lama inkiri karo. Waxa garawshiinyo mudan in dhibkii dalka ka dhacay sideetameeyaddii iyo sagaashameeyadii ay dadka soomaaliyeed irdho badan kala geliyeen, kala tag badan kala geliyeen, taasi wax badan oo garawshiinyo ah bay leedahay, oo u baahan in laga wada hadlo, oo u baahan in dhaawacii iyo dhibkii dadka kala gaadhay in la dhayo,  nasiib wanaag dad badan oo soomaali ahi, danta guud ee soomaalida ayay ka fiiriyeen waxaasi way liqeen, way iloobeen, iyagoon dib u jaleecin aannadii iyo waxyaabihii foosha xumaa ee muujinayay in qabiilka iyo waxyaabo la mid ah dadka lagu beegsado, waxaa waa laga soo gudbay.”

Xil. Faarax Cabdiqaadir wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Dadka deegaanada deganna waxaan qabaa inay garawshiinyo badan leeyihiin, laakiin dadka soomaaliyeed waa dad isku mid ah, oo aan kala maarmi Karin, in laga shaqeeyo sidii midnimadda loo soo celin lahaa, iyadoo loo marayo hab aan muujinayn cunfi iyo dagaal inuu ku yimaado, balse wadahadal uu ku yimaado, is qancin uu ku yimaado, isu garawsho uu ku yimaado, noocaa uu ku yimaado. Waxaanan rajaynayaa oo aan aad u aaminsanahay inay dhici doonto, oo hawshaa midnimadda wax badan  oo ka mid ah siyaabo kala duwan laysugu dayayo oo ay socdaan.”

Dooddaha siyaasiyiinta soomaaliya ka sokow xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ayaa mucaaradka iyo dadka dhaliilaa ku tilmaamaan, tan iyo intii ay wadahadalada la bilaabeen Muqdisho,  marka loo eego arrimaha Somaliland iyo soomaaliya,  inay tahay mid ku shaqaynaysa siyaasad shaki badan abuurtay oo aan jihaddeedu toosnayn, isla markaana ay taasi sababtay in loogu baaqo in somaliland joojiso wadahadalka Turkiga.

Comments are closed