Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif iyo Madaxweynihii hore ee Punt land C.raxmaan Faroole oo Kulan Gaar ah Jabuuti ku Yeeshay
Jabuuti,12,May 2016 (SDN/QJ):- Magaalada Jabuuti ayaa habeenkii xaley waxaa kulan ku dhexmarey madaxweynihii hore ee Somaliya Shiikh Shariif Axmad iyo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Shiikh Maxamad Farole kuwasoo kuwada hadlay arrimaha Somalia.
Kulankaan oo ka dhacey Hotelka madaxweynihii hore ee Puntland ka dagan yahay magaalada Jabuuti ee Sharaton ayaa wararku sheegayaan iney diirada saarayeen arrimaha Somaliya iyo doorashooyinka la filayo iney dhacaan sanadkaan dabayaaqadiisa.
Labada Madaxweyne oo horey uga soo wada shaqeeyey nidaamkii road-Map ee looga baxayey KMG nimada islamarkaana kamid ahaa madaxdii saxiixdey heshiisyadii GAROWE1, 2 ayaa musharaxiin ka ah doorashada la filayo in Somaliya ka dhacdo sanadkaan dabayaaqadiisa.
Madaxweynihii hore ee Somalia Shiikh Shariif Axmad ayaa weli ku dhawaaqin musharaxnimadiisa balse booqashooyin kala duwan ku kala baxshey dalalka dariska la ah Somalia halka Mudane Farole horey u sheegey inuu u taagan yahay qabashada xilka Madaxweyne ee Somaliya.
Kulanka labadaan siyaasi ayaa ku soo beegmaya xilli ay magaalada Jabuuti kaga qayb galeen caleemo sarkii loo sameeyey Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.