‘’Xuquuqdaada Muwaadinimo Waxaad ku Ilaalin kartaa Adigoo is diiwaangeliya’’ La Taliyaha Madaxweyne Siilaanyo Axmed Carwo DAAWO
London 11,May 2016 (SDN/QJ):- La-taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca arrimaha dhaqaalaha Axmed Xasan Carwo ayaa sheegay in diiwaangelintu tahay xaqqa uu muwaadinku uu u leeyahay inuu talada dalka wax ku yeesho.
Ahmed Xasan Arwo waxa uu sidaa ku sheegay muuqaal Daawasho ah oo uu soo saaray isaga oo ku sugan dalka Ingiriiska
Diiwaangelintu waa xaqqa muwaadinku u leeyhay inuu talada dalka wax ku yeesho, inuu codeeyo oo uu ka talo bixiyo cidda hoggaanka u qabanaysa.
Dimuquraadiyaddu ma aha mid nooc keliya ah, ma aha tan gaalada waxa dastuurkeena ku cad in diinta Islaamku tahay halka laga unkaayo qaynuun oo dhan oo ah lama taabtaan. Inaynu ka tashano cidda aynu u dhiibayno hoggaankeenu waa sunaha asxaabtii Rasuulku inoo bilowday.
Maanta cidda diiwaangelinta ka hortimid kolka ay marayso Maroodijeex, waa mid siyaasadeysan ooy waajib tahay inay iska gartaan inta xaqqooda la duudsiyaayo oo ah inta degan Maroodijeex oo ah meesha keliya ee beelaha Soomaliland dhammaan wada degan yihiin. Meel kala badh dadka Soomaliland ku nool yahay. Ogow in haddaad is diiwaangelin weydo inaad xukunka dalka ajnabi ka noqon doonto oonad raad ku yeelan doonin.