Booliska UK oo raalli galin siiyay Muslimiinta,Kadib markii ay si xun u isticmaaleen kalmadda “Allaahu Akbar”
London 11,May 2016 (SDN/QJ):- Sarkaal sare oo kamid ah Poliska dalka Ingiriiska ayaa raalli galin ka bixiyay isticmaalka kalmadda “ Allaahu Akbar” xilli ay samaynayeen dhoolla tus kusaabsan la dagaallanka argagixisada.
Dhoolla-tusankan waxaa lagu daawaday nin iska dhigaya qof miinaysan oo doonaya inuu qarxiyo waxyaabihii ku xirnaa, mid kamid ah suuqyada mashquulka badan ee .
Muslimiinta ayaa aad u dhibsaday in magaca Allaah iyo argagixisada la isku shaabadeeyo, taasi oo markii danbe ay garawsadeen booliska oo raalli galin deg deg ah.
Warbixin boolisku soo saaren ayaa lagu sheegay inaan la aqbali karin arimaha keeni kara in Islaamka la faquuqo.
Carada ka dhalatay isticmaalka “ Allaahu Akbar” waxaa bilaabay dhallinyaro isticmaasha Twitter-ka kadibna arintaasi waxay soo jiidatay dareen badan oo booliska ku khasbay raalli galin.
Dhanka kale dadka reer UK ayaa ka carooday in boolisku ay raalli galinta sameeyaan. Mid kamid ah ayaa sidan ku yiri Twitterkiisa
“ Ma runtaa raalli galin laga bixinayaa? Dalkan runtii waa mid jilicsan” Colin Pri