SAWIRRO: Kulan Ay Caawa Soo Qaban-qaabisay Guddida Sahan-Barwaaqo Oo Laga Soo Saaray Go’aammo Lagu Dar-dargelinayo Diiwaangelinta
Hargeysa, 9,5,2016 (QJ/SDN) – Kulan ballaadhan oo lagaga hadlayay sidii loo dar-dargelin lahaa diiwaangelinta Gobolka Maroodi-jeex gaar ahaan degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge ayaa caawa ka qabsoomay magaalada Hargeysa, kulankaasi oo ay soo qaban-qaabisay Guddida Guud Ee Sahan-Barwaaqo.
Kulan oo ahaa mid si wayn la iskugu waydaarsaday aragtiyo iyo falan-qayn ku aadan sidii loo dar-dargelin lahaa diiwaangelinta degmooyinka Maxamed Mooge iyo Maxamuud Haybe, ayaa waxa kasoo qayb-galay; Qaar ka mid ah Cuqaasha gobolka Maroodi-jeex, Murashaxiinta u tartamaya doorashada aqalka Baarlamaanka iyo Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Xilalka kala duwan ka haya dowladda Somaliland.
Ugu horreyn waxa kulan kaasi daah-furay guddoomiyaha Guddida guud ee Sahan-Barwaaqo Maxamuud Muuse Gooni, isagoona kasoo qayb-galayaashii kulankaasi usoo jeediyay in ay aragtiyahooda ka dhiibtaan qaabka ugu wanaagsan ee loo waajiihi karo dar-dar gelinta diiwaangelinta degmooyinka Maxamuud haybe iyo Maxamed Mooge .
Musharax Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax oo ka mid ah murashaxiinta gobolka Maroodi-jeex ee doorashada aqalka Baarlamaanka Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday sidii loo dar-dargelin lahaa diiwangelinta degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge oo la sheegay in uu gaabis ka jiro, isagoona murashaxu soo jeediyay talooyin lagu hawl-gali karo.
Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay murashaxiinta kala ah Maxamed Iid Dhimbiil iyo Maxamed Xassan Finad, iyagoona labada murashax ay iska daba-mareen in loo baahanyahay in xaafadaha degmooyinka Maxamed Mooge iyo Maxamuud Haybe Guri guri loo dul istaago.
Dhanka kale, Halkaasi waxa ka hadlay cuqaal, aqoonyahanno iyo Siyaasiyiin kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha duulista iyo Hawada Cumar Cabdillaahi Aadan [Cumar Sayid], Caaqil Cabdirisaaq iyo Garyaqaan Maxamed Geeljire, iyadoona dhammaan xubanahaasi ay iska daba mareen muhiimadda ay leedahay dar-dargelinta diiwaangelintu.
Ugu danbeyntii waxa kulankaasi la isla qaaday qoddobo la sheegay in ay saldhig u noqonayaan dar-dargelinta diiwaangelinta Codbixiyeyaasha degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge.
Qoddobadaasi oo kala ah;
1- In Qaab Abaabulan loo galo Degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge, Guddida SAHAN BARWAAQANA ay hoggaamiso, Xaafadahan la dhex maro oo dadka diwaangalinta loo soo saaro, maalinka Berri ah 8 da Subaxnimo lagu Ballamo Kaalinta Sideedaad.
2- In Guddi hoosaadyada iyo Xaafadaha degmooyinka kasii hooseeyaa ay dardargelinta qayb-tooda ka waddaan isla markaana guri guri ay iyaguna u galaan xaafaddaha degmooyinka.