|

5 qodob oo Noqday Sababta ugu Weyn ee shacabka gobolka maroodi jeex dhabarka ugu jeediyaan diiwaan-gelinta iyo Walaac Weyn ee Ku Abuurmay Musharraxiinta Aqalka Madaxtooyada Iyo Golaha Wakiilada

Hargeysa 09.May 2016 (SDN/QJ):–Tan iyo Markii Diiwaan-gelinta Codbixiyuhu ka bilaabantay Guud ahaanba Gobolka Maroodi Jeex waxa si lama filaan ah mar kali ah u soo baxay sida aanay dadweynuhu sidii loo baahnaa ugu soo dareerin diiwaan gelintaasi iyada oo ay min maalintii diiwaan gelintu bilaabantay illaa maanta goobaha dadka laga diiwaan gelinayaa haawanayaan ama ugu yaraan tiro aad u koobani iska diiwaan gelinayaan arrinkaasi oo lama filaan ku noqday Komishan Doorashooyinka Qaranka, Siyaasiyiinta saddexda Xisbi qaran, dawladda iyo guud ahaan daneeyayaasha Diiwaan-gelintan (Stake Holders).

13151550_1083831788306364_196751849055362900_nWargeyska Foore oo u kuur galay xaaladda ay ku socoto Diiwaan gelinta Dadweynaha Gobolka Maroodi Jeex gaar ahaan caasimaddiisa Hargeysa ayaa waxa noo soo baxay in tirada dadka maalmihii diwaan gelintu socotay soo abbaaray goobaha is diiwaan gelintu aad u yar tahay, taasi oo dhalisay doodo iyo is-waydiimo badan oo la xidhiidha halka sartu ka qudhuntay iyo arrimaha sababta u ah in aanay dadku si wanaagsan ugu soo bixin is-diiwaan gelinta marka loo eego sidii ay isu diiwaan geliyeen dadweynaha reer Somaliland ee goboladii diiwaan gelintu hore uga soo qabsoontay.
Inkasta oo ay badnaayeen sababaha dadku u aanaynayaan in ay sal u tahay sababtan dadku isku diiwaan gelin la’ yahay haddana waxa aan ka soo qaadanay 5 qodob oo inta badan dadkii aannu arrinkan wax ka waydiinay noo sheegeen in ay u arkaan in ay sabab u tahay is diiwaan gelin la’aanta, shantaasi arrimood waxa ay kala yihiin:

  1. Xisbiyada Qaranka Oo Aan Diiwaan-Gelinta Maroodi Jeex U Xamaasadayn Sidii Kuwii Gobolada kale
    Xisbiyada qaranka, gaar ahaan xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI mudadii ay diiwaan gelintu ka socotay gobolada Tog-dheer, Saaxil iyo Awdal waxa ay ahaayeen kuwo hawl-gal ballaadhan ka fuliyey goboladaasi iyaga oo safaro ku tagay si culusna uga kaambayn gareeyey in ay taageerayaashoodu u soo baxaan is diiwaan gelinta si ay codkooda u bixiyaan wakhtiga doorashada sidoo kale xisbiyadu waxa ay goboladaasi ka soo qabteen olole hoose oo dadka deegaamada lagu tartansiinayey, tartankaasi oo keenay in qabaa’ishu ku tartamaan diiwaan gelinta cod bixiyaha, kaasina waa ka aan ka muuqan haba yaraatee deegaamada Gobolka Maroodi Jeex oo xarumaha diiwaan gelintiisu haawanayaan dhinac kasta.
    2. Wacyi-Gelin La’aan
    Dadka u kuur gala arrimaha diiwaan gelintu waxa ay xaqiijiyeen in Shacabka reer Somaliland aanay helin wacyi-gelintii ku habboonayd ee laga siin lahaa macluumaad waafi ah oo ay ka qaataan ujeedada kaadhka diiwaan gelinta, muhiimaddiisa iyo sida loogu baahan yahay in qofka muwaadinka ahi u qaato. In badan oo shacabka ah gaar ahaan dadka waaweyn iyo haweenku waxa ay ku khalkhalsan yihiin labada diiwaan gelinood (Diiwaan gelinta Muwaadinta iyo Tan Cod Bixiyaha), haweenka oo ah dadka ugu badan ee codeeya isna diiwaan geliya waxa ay boqolkiiba 80 kala garan la’ yihiin labadaasi diiwaan gelinood. Komishanka ayaa ku fashilmay in ay wacyigelin waafi ah siiyaan dadweynaha halka ururradii koobnaa ee la siiyey mashruuca diiwaan gelintu gabi ahaanba ku fashilmeen in ay dadka gaadhsiiyaan wacyigelin iyo macluumaad ay ku fahmaan diiwaan gelintan.
    3. Niyad Jab Dadka Ka Muuqda Iyo Hungo Ay Ka Joogaan Siyaasiyiinta
    “Isma diiwaan gelinayo, waayo, maba doonayo in aan codeeyo sannadka soo socda haddiiba ay doorasho dhacdo, sababta oo ah kuwii horeba khasaare ayaa laga joogaa. Ma jiraan xisbiyo innoo dhisan iyo wajiyo aan is odhan karo waxbay soo kordhin karaan”. Sidaa waxa yidhi nin dhallinyaro ah oo aan kula kulannay suuqa Hargeysa oo aanu wax ka waydiinay sababta uu isu diiwaan gelin la’yahay. In badan oo shacabka ah ayaa la qaba fikirkaasi ninkan muwaadinka ah iyada oo dadku quus ka joogaan cid wax u qabata oo ay codkooda siiyaan, si weyna uga niyad jabsan hogaamada xisbiyada, siyaasiyiinta iyo dadka ordaya ee codka dadka u xiiqsan kuwaasi oo aan dadka codeeyayaasha ha indho buuxin.
    4. Kooxo Wadaado Ah Oo Dadka Qaar Gobolka Maroodi Jeex Ugu Sheegay In Is Diiwaan Gelintu Sharciga Ka Soo Horjeeddo
    Dhawaan ayay ahayd in kooxo wadaado ahi dadka ku fureen tashwiish iyo in aanay diintu ogolayn is diiwaan gelinta kaadhka codeeyaha kuwaasi oo qaar ka mid ah ciidamadu gacanta ku hayaan wakhtigan. Falal is daba socda oo ka dhacay qaar ka mid ah masaajidda Degmada Maxamuud Haybe ee Magaalada Hargeysa ayay kooxo wadaado ahi dadka gaar ahaan dhallinyarada ugu sheegeen in qaadashada kaadhka codeeyuhu aanay ku bannaanayn shareecada taasi oo keentay in dhallinyaro badani ku dagmaan oo ay sidaa kaga fogaadaan, sidoo kale wadaado badan oo inta badan qaddiyadda dalkan ka so horjeedaa waxa ay mar walba uga faa’iidaystaan in ay dadka ku wacyi geliyaan wax kasta oo keenaya in dadku ka qab qaataan arrimaha masiiriga ah sida doorashooyinka iyo guud ahaan wixii la xidhiidha qaddiyadda Somaliland kuwaasi oo la aaminsan yahay in ay door weyn ku leeyihiin goobaha waxbarashada iyo masaajidada kaga furan dhallinyarada boqobagaando la xidhiidha in aanay isku mashquulin arrimahaasi sida is diiwaan gelinta iyo codaynta toona.
    5. Xiishii Iyo Taageeradii Xisbul Xaakimka KULMIYE Ay U Hayeen Shacabka Maroodi Jeex Oo Si Weyn Hoos Ugu Dhacday 
    Iyada oo Dadweynaha ku nool Gobolka Maroodi Jeex in badan oo ka mid ah deegaamadiisu ahaayeen kuwii aadka u taageeri jiray xisbiga KULMIYE wakhtigii uu Mucaaridka ahaa iyo intii uu talada dalka hayayba ayay wakhtigan timid in taageeradaasi si weyn hoos ugu dhacday taasoo keentay in dad badani aanay iskuba mashquulin in ay is diiwaan geliyaan. Degmooyinka 26-ka Juun, Ibraahim Koodbuur, Gacan Libaax, Axmed Dhagax iyo deegaamada Woqooyiga, Galbeedka iyo Koonfur-galbeed Hargeysa oo ahaa goobihii sida laxaadka leh dadka ku nooli u taageeri jireen xisbiga KULMIYE ayay siyaasadihii xisbigaasi soo maray saamayn weyn ku yeesheen taasoo keentay in taageeradii loo hayay aad hoos ugu dhacday, tanina keentay in dad badani oo deegaamadaasi ku nooli ka muquurtaan is diiwaan gelinta. In badan oo ka mid ah dadweynaha deegaamadaasi iyaga oo aan qaarkood goosan in ay xisbiyo kale taageeraan haddana waxa muuqata sida ay hoos ugu dhacday taageeradii ay u hayeen KULMIYE.

Comments are closed