|

Wasiirka Waxbarashadda Somaliland Oo Amar Dood Sharci Dhalinaya Ku Soo Rogay Ardayda Dugsiyadda iyo Jaamacadaha DAAWO/DHAGAYSO

Hargaysa 09.May 2016 (SDN/QJ):– Wasiirka Waxbarashadda iyo tacliinta Sare ee Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere), ayaa ku dhawaaqay inaanu imtixaanaadka iskuuladda iyo jaamacadaha dalka aanu u fadhiisan doonin ardaygii aan sidan kaadhka codbixiyeyaasha, arrintaas oo ah qadaf sharci oo ku tallaabsaday sawir fool calaamad fool xun ka bixin kara dimuqraadiyadda Somaliland.

cabdilaahi-dheere (1)Wasiirka Waxbarashaddu isagoo  ka hadlayay magaaladda Hargeysa, waxa uu ardayda ku soo rogay amar sharciyadda dalka khilaafsan.
“Waxaan ardayda qaan-gaadhka ah ee dugsiyadda hoose/dhexe, sare iyo jaamacadaha aan ka codsanayaa inay qaataan kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha oo ah mid muhiimad u leh dalka iyo da’yarta labadaba,”ayuu yidhi Wasiir Cabdilaahi Dheere. Waxase uu hadalkiisa ku kaabay “Imika waxa la joogaa gobolka Maroodi-jeex oo diwaan-gelinta codbixiyeyaashu ka socoto waxa iyagana loo gudbi doonaa gobollada Sanaag, Sool iyo Buuhoodle. Markaa waxaan bixiyay amar ah inaanu imtixaanadda aanay u fadhiisan ardayda aan sidan kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.”
Dadka sharciga aqoonta u leh ayaa noo sheegay inay tahay gef sharci oo uu Wasiirku indho la’aan ah ugu xad-gudbay xuquuqda aasaasiga ah ee ardayda uu masuulka ka yahay.
Waxay sheegeen in Wasiirku uu haystay fursado kale oo uu ardayda si ladifan uga dhaadhiciyo inay ka mid noqdaan dadka kal-dambe soo dooran doona 82-ka Xildhibaan ee aqalka Wakiiladda iyo Madaxweynaha shanaad ee Somaliland oo loo mudeeyay inay doorashooyinkooda isa saarka ahi dalka ka qabsoonto 28 March 2017-ka.

Hadalka Wasiirku waxa uu dhalinayaa dood la isku khilaafi karo, maadaama oo siiqada uu hadalkiisa u dhigay ay ka muuqatay mid ardayda khasab kaga dhigaysa inay is diiwaan-geliyaan, iyadoo ray’ul caamka bulshadda qeybo ka mid ahi ay is weydiinayeen inay hadhowna dhici karto inaanu ardaygu imtixaanka gelaynin haddii aanu codkiisa dhiiban.

Waxa dadka ka biyo diiday amarka Wasiirku ay ku doodooda ku sababeynayeen in qofku inuu qaato kaadhka diiwaan-gelintu ay tahay xuquuq dastuuri ah oo qofku leeyahay, hase yeeshee aanay jirin wax amar ah oo xeerka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, xeerka doorashooyinka iyo dastuurka ay ka dheegmeen-ba aanu jidaynaynin in kaadhka codbixinta iyo codbixinta doorashadda labada la isku khasbo.

Comments are closed