|

Dowladda Federalka oo lagu wareejinayo maamulka hawada Somalia,iyo Saamaynta ay ku yeelanayso Wada hadaladii u Socday Somalia iyo Somaliland

Muqdisho 09.May 2016 (SDN/QJ):– Waxaa magalada Muqdishu xarunta Somalia la gaarsiiyay qayb kamid ah qalabka lagula socda hawada Somalia, kaasi oo laga soo qaaday dalka Kenya gaar ahaan Nairobi, waxaana la filayaa in maanta oo Isniin ah lagu wareejiyo wasaaradda gaadiidka dawlada federaalka Somalia.

Danjiraha Somalia ee dalka Kenya Jamaal Maxamed XasanDanjiraha Somalia ee dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan, ayaa tilmaamay in arrintan muddo kasoo shaqaynayeen, isagoo intaasi raaciyay in ku dhawaad 30 sano ay tahay markii ugu horraysay ee qalabkan Somalia la keeno.

Jamaal ayaa xusay in qorshaha xiga noqonayo sidii Somalia loogu wareejin lahaa maamulka Hawada Somalia oo hadda xukunto hay’adda Qaramada Midoobay katirsan oo lagu magacaabo ICAO.

“Qalabkan wuxuu ka kooban yahay Computero iyo adeegii saadaasha hawada oo markii u horeysay Soomaaliya la keeno, waxaa gacan naga siiyay IGAD iyo Hey’adda ICAO, dowladda Soomaaliya waxay la soo wareegi doontaa inta ka hartay maamulka Hawada Soomaaliya,” Ayuu yiri Amb. Jamaal.

Wuxuu intaasi ku daray in dhawaan la keeni doono Raadaar lagula socon doono diyaaradaha isticmaalaya hawada Somalia, isagoo intaasi raacshay inay tani sahlayso in Somalia awood u yeelato maamulka hawadeeda.

Qorshaha lagu wareejinayo maamulka hawada Somalia, ayaa muddo soo socday, waxaana laga yeeshay shirar badan, balse go’aanka lagu wareejinayo waxaa ka biyo diiday Somaliland oo sheegatay inay tahay maamul ka madax banaan xukunka dowladda Federalka Somalia iyagoo sheegtay inay hawadooda u madax banaanyihiin.

Hay’adda ICAO, ayaa tan iyo 1991 gacanta ku haysay maamulka hawada Somalia.

Dhanka kale Qadiyada Maamulka Hawada Somalia ayaa ka mid ah Qodobada ay ka wada hadlayaan Somaliland iyo Somalia iyadoo dhawr Shir oo Turkiga ka dhacay lagu gaadhay qodobo heshiis oo aan fulin kana mid ahaayeen abuurista Gudi farsamo oo labada dal ah oo la soo wareega Maamulka Hawada isla markaana fadhigoodu noqdo Magaalada Hargaysa.

Si kastaba ha ahaatee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Gadhwadeen ka ah Wada hadalka ay Somaliland la leedahay Somalia ayaa looga fadhiyaa sidii ay Mawqif cad uga qaadan lahayd Fulin la’aanta heshiisyadii lagu gaadhay Istanbul iyo Ankara .

Comments are closed