DHAGEYSO: Guddoomiyaha Guddida Wadada-Cad Cali Sanyare Oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyay Qurbejoogta Degmada Sallaxley + Sawirro
Hargeysa, 8,5,2016 (QJ/SDN) – Guddomiyaha guddidada wadada-cad ee Hargeysa illaa ina-Guuxaa Cali Ibraahim Maxamed [Sanyare] ayaa maanta magaalada Hargeysa hadhimo sharafeed ugu sameeyay qaar ka mid ah qurbejoogta degmada Sallaxley, isagoona Cali Sanyare uga warbixinyay socdaal uu dhawaan ku tagay qaar ka mid ah waddamada qaaradda America oo uu ka doonay qaadhaankii lagu dhameystiri lahaa waddada cad.
Cali Sanyare ayaa waxa kale oo qurbejoogta uga warramay qaabka ay usii socon doonto waddada-cad oo uu sheegay in ay gaadhi doonto illaa Kilalka Shanaad ee Itoobiya halkaasi oo dowlad soomaalida Itoobiya ay kasii anba qaadi doonto wadda-cad, isagoona qurbejoogta ugu bushaareeyay in dhawaan la qaban doono kulanka MAAL-GASHIGA INA-GUUXAA.
Sidoo kale Cali Sanyare waxa uu Qurbejoogta uga warbixiyay mashaariic horumarineed oo la doonayo in laga hirgaliyo deegaanka Sallaxley.
Ugu danbeyntii, waxa halkaasi ka hadlay guddoomiye ku xigeenka mashruuca waddada Cad Sheekh Maxamed Cali Geedi oo isna ka warbixiyay halka ay wax marayaan, iyadoona uu kulankaasi oo soo gunaanaday guddoomiyaha Sahan-Barwaaqo Maxamuud Muuse Gooni
Halkan Hoose Ka Dhagayso Cali Sanyare oo Qurbejoogta Uga Warramaya Safarkiisii Maraykanka.
Halkan Guji Oo Mobilekaaga ku Dhagayso Codka Cali Sanyare