|

Hogaanka Dhaqanka ee Beelaha Subeer Awal oo Xukuumadda Siilaanyo ugu Baaqay inay Xoriyadooda u soo Celiso Salaadiin iyo Xubno kale oo Xukun ku dhacay DAAWO

madaxsuHargaysa 08.May 2016 (SDN/QJ):- Madhax-dhaqmeed uu hogaaminayo Suldaanka guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi ayaa Hargeysa kaga dhawaaqay in xukuumadda Somaliland ay si shuruudla’aan ah xoriyadoodi ugu soo celiso Suldaan Mawliid Sabayse,Suldaan Ibraahim Sulub, wiilal dhalinyaro ah iyo laba gabdhood kuwaasoo dhawrki bilood ee u dambeeyey laga soo xidh xidhay labada gobol ee kala ah Maroodi-jeex iyo Saaxil.

madax3Munaasabadda baaqan laga soo jeediyey oo lagu qabtay Crown Hotel ayaa waxa kale oo lagaga hadlay arimo dhawr ah oo beesha Subeer Awal ka tirsanayso xukuumadda madaxweyne Siiraanyo kuwaasoo ay ka midyihiin deegaano ku yaala xeebta waqooyiga Hargeysa iyo Ceel-garde .

Waxa iyaguna munaasabaddaasi ka hadlay mujaahid Ibraahim Dhagaweyne iyo mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo aqoonyahano ka tirsan beeshaasi kuwaasoo xukuumadda ku eedeeyey inay ku gudo jirto dhaxal-wareejinta dekadda iyo madaarka Berbera isla markaana ay fidmo ka dhex waddo gobolka Saaxil iyo xeebta waqooyiga Hargeysa.

Comments are closed