|

Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibada ee Dawladii Rayaale Cabdilaahi M.Ducaalle Oo Sheegay Inay Somaliland Iyo Soomaaliya Kala Bixi Karaan Haddii Ay Cid Kala Jihaysa Helaan DAAWO

Hargaysa 08.May 2016 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaalle, ayaa sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya ay kala bixi karaan haddii ay helaan cid kala saarta oo aanay saaxadda ay ku wada hadlayaan noqon meel ay iyaga oo kaliyi ku murmaan.

Cabdilaahi Maxamed DucaalleCabdilaahi Maxamed Ducaalle waxa uu ahaa Wasiirkii ugu mudada dheeraa ee soo maray Somaliland isagoo xilal kala duwan oo wasiirnimo soo qabtay 1993-ki illaa 2010-kii.

Cabdilaahi Maxamed Ducaalle waxa uu ka hadlay xaflad lagu qabtay toddobaadkii hore Huteelka Guulleed ee caasimadda Hargeysa, waxaanu bulshadda la wadaagay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay siyaasadda dibadda xilligii Xukuumadihii maamulka iska dhaxlay ee Cigaal iyo Daahir Rayaalle.

Waxa kale oo uu ka sheekeeyay taariikho cajiib ah oo la xidhiidhay socdaal ay ku tageen Maraykanka 1999-kii iyo ciddii ay la kulmeen.

Cabdilaahi Maxamed Ducaalle waa siyaasi madax banaan oo dibadda ka jooga saddexda xisbi qaran ee xilligan dalka ka jira.

Muddadii dheerayd ee Wasiirka ka ahaa Somaliland waxa uu soo maray Wasaaradaha Madaxtooyadda, Duulista hawadda, warfaafinta iyo arrimaha dibadda. Waxaanu ka mid ahaa siyaasiyiintii sida weyn ugu xidhnaa Madaxweynihii geeriyooday Marxuum-Maxamed Ibraahim Cigaal iyo Daahir Rayaalle Kaahin.

Comments are closed