|

Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo Golayaasha Sharci Dejinta u soo Jeediyey dib u eegis lagu sameeyo go’aankii hore dawlada loogu fasaxay Wada hadalada Somaliland iyo Somalia

Hargaysa 08.May 2016 (SDN/QJ):- Xisbiga Mucaaridka ah ee waddani, ayaa goleyaasha sharci dejinta u soo jeediyey in dib u eegaan go’aankii hore ay ugu fasexeen xukuumadda in lala hadlo Somalia, waxaanay ku eedeeyeen xukuumadda in ay major habaabisay wada hadalladaasi oo aanay illaa hadda umadda u sheegin natiijo rasmi ah.

 

maxamed cabdilaahi uurcadeXoghayah guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo u waramay wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa uu ku eedeeyey xukuumadda in ay xalaashatay la xidhiidhka Somalia oo ay ka gudubtay intii loogu talo galay, isla markaana ay khatar ku tahay masiirka umadda Somaliland.

 

 

Maxamed Cabdilaahi Uur Cadde oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Goleyaasha Sharci dejinta waxaanu ka codsanaynaa hadaanu nahay xisbiga waddani in ay dib u eegaan xukuumaddan ay dabarkii ka fureen oo ay ka joojiyaan qodobkii hore loogu fasaxay ee la hadalka Somalia, waayo wada hadalkan xukuumaddu daacad kama aha oo mar keliya miiska may soo saarin oo umadda looma sheegin, markaa waxaanu u aragnaa in masiirkii umaddan Somaliland lagu ciyaarayo oo meel lagaga dhacayo, xukuumaddana ma aha dii wadaysay wada hadalka oo wakhtigeedii wuu dhamaaday, markaa waa in dib loo dhigaa arrintaas oo baarlamaanku joojiyaan”

 

Xoghaye uurcade waxa uu sidoo kale ka hadlay aftida wasaaradda arrimaha dibeddu sheegtay in ay gobolada dalka qaar ka qaadayso, waxaanuu yidhi “Arrintan aftida ah ee ay wasaaradda arrimaha dibaddu sheegtay, waxaanu u aragnaa waddani ahaan in aftidii umadda reer Somaliland laga qaaday ee ay u codeeyeen boqolkiiba todoba iyo sagaashan nusqaan ku tahay ee ay caalamku ogaayeen, masiirka umaddani kuma xidhna gobolo gaar ah oo afti laga qaado, reer Somaliland hore ayey u caddeeyeen maqifkooda, markaa arrintaas waxaanu u aragnaa mid nusqaan ku ah go’aankii hore ee umaddani gaadhay”

 

Maxamed Cabdilaahi Uurcadde waxa uu dacaayad ku sifeeyey sawiro la sheegay in guddoomiye cirro la soo galay dad aan xildhibaanno ahayn oo uu xildhibaanno maraykan ah ku sheegay, waxaanuu yidhi “Arrintaasi waa dacaayado la fidinayo, waxbana kama jiraan hawlo qaran ayuu u tegay maraykanka oo uu wadaa, markaa ma aha nin dad shacab ah sawiro la soo gelaya arrintaasina waa dacaayad aan sal iyo raad toona lahayn”

 

Ugu Dambaynna waxa uu ka hadlay Xoghayaha Waddani halka ay marayaan wada hadalladii ay isbahaysiga la lahaayeen, waxaanuu sheegay in ay intii badnayn soo geba gabeeyeen oo ay hadheen waxyar, waxaanuu yidhi “Wada hadalladii isbahaysigu meel fiican ayey marayaan intoodii badnayd waanu soo geba gebaynay oo natiijo ayaanu ka gaadhnay waxyar ayaa hadhay, si dhakhso ahna waa loo dhamays tirayaa, natiijadana waanu shaacin doonnaa sida ugu dhakhsaha badan”

Comments are closed