Gudoomiyaha gobolka Mudug oo ka hadlay Dilka Marxuum Cumar Dheere & Hawl Galo Amaanka lagu Xaqiijinayo oo Gaalkacayo ka socda DHAGAYSO
Gaalkacyo 08.May 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha gobolka Mudug Xassan Maxamed Khaliif ayaa ka hadlay dilka marxuum Cumar Maxamed Cabule Cumar dheere oo salaadii maqrib ee Xalay kooxo hubaysan ay ku dileen magaalada Gaalkacyo.
Gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa tacsi u diray dhaaman eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Cumar Maxamed Cabdule.
Xassan Maxamed Khaliif gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa sheegay inay wadaan hawlgalo lagu xaqiijinayo amniga isla markaana ay wadaan ciidamada baaritaano lagu baadi goobayo dadkii ka danbeeyey dilka.
Gudoomiyaha gobolka oo Sharaxaad ka bixinayey qaab uu u dhacay dilka ayaa sheegay inuu gaystay wiil dhalinyaro ah aysan jirina cid qabtay wuxuu hadalkiisa sii raaciyey xiliga dulku dhacayey in dadku ay masaajidka ku wada jireen.
Dhacdan ayaa tii ka horaysay waxay ka dhacaday isla xaafada israac ee magaalada Gaalkacyo iyadoo lagu dilay Marxuum Siciid Cali Yuusuf Gaadayare oo ahaa xisaabiyaha guud ee maaliyada gobolka Mudug.