|

Baarlamaanka Soomaaliya oo Gudi gaar ah u saaray Heshiiskii maamul goboleedyada iyo Dowlada dhexe DHAGAYSO

Muqdisho 08.May 2016 (SDN/QJ):- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Gudi gaar ah u saaray Heshiiskii Dhawaan magaalada Muqdisho ay ku gaareen Maamul Goboleedyada Dalka iyo Dowlada dhexe Soomaaliya.

 

Baarlamanka-Soomaliya-150x150Heshiiskii ay wadagaareen maamul gobaleedyada Dalka iyo dowlada faradaraalka ayaa waxaa la  horgeysay Baarlamaanka si ay u  Ansixiyaan heshiiskii Muqdisho.

 

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa inta badan heshiisyada ay gaaraan maamul gobaleedyada iyo dowlada Soomaaliya Fikirkooda ka dhiibtaan.

 

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka tirsan Baalramaamka Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in Heshiiskaas ay Gudiga loo saaray oo Baarlamaanka  Dhexdiisa ah wax badan ka badali doonaan si uu Sharci u noqdo.

Comments are closed