FAALLO: Indhaha Koonfurta Sudan oo Dulsaaran (Riek Machar iyo Silva Keer)
Juba 08.May 2016 (SDN/QJ):- Heshiiska Nabadda K/Sudan laga gaadhay oo weli aan lugo adag ku taagnayn ayaa waxa uu yahay mid guul kama dambays ah oo laga gadhaa ay ku xidhan tahay sida ay Madaxweyne ku xigeenka cusub Riek Machar iyo Madaxweynaha Dalka Silva Keer ay ay isugu weheliyaan oo si wadajir ah ay uga go’naato mustaqbal dalkaasi loo dhiso .
Dib u dhaca ku yimid imaanshiha Riek Machar ee magaalada Jubbah waxa ay hadhaysay rajadii laga qabay in dhibaatada bani’aadanimo iyo ta dhaqaale ee dalku marayaa ay ka yaraato, ka dib heshiiskii la wada saxiixay bishii Augost 2015.
Si kastaba ha ahaatee rajada wadashaqayneed ee Riek Machar iyo Silva Keer weli waxa ku jira shaki balaadhan, dariiqa K/sudan ay u mari lahayd madaxbanaanideeda iyo taariikhdeeduna waxa uu noqday mid soo kooban oo turunturooyin badani yaallaan.xilli ay gooni isu taageedii qaranimona halis ugu jiro in uu ku dhaco khilaafka madaxdii markii hore dhalisay..
Kalsooni darada maalinba ta xigta u sii dhexaynaysay Riek machar iyo silva keer ayaa soo bilaabantay xiligii ay ciidanka dawlada magaalada Jubbah ku laayeen dad ka soo jeeda qabiilka Neur-ka taas oo December 2013 dhalisay isku dhacii ciidamo labada dhinac ka soo kala jeeda.
Machar, oo 63 jir ah kana soo jeeda qabiilada Neur waa nin aanay dhaqankiisa ka madhnayn iska hor imaadadu, iyadoo taageerayaashiisa qaarkood ka aaminsan yihiin waxyaabo khuraafaad ah, waxana ay aaminsan yihiin inuu hibo u leeyahay oo u dhashay inuu ummad hogaamiyo, laakiin marka aynu eegno dadka diidan ama aan la dhacsanayn dhaqankiisa siyaasadeed oo badankoodu ka soo jeedaan qabiilka DINKA ayaa iyagu waxa ay qabaan in Riek machar uu yahay nin dhibaato, iyagoo aan ugu kalsoonaan Karin doorkii uu ku lahaa fidmadii dhacday iyo noocyadii dagaal ee uu ciidamadiisa amray.
Caqabadaha horyaalla dawlad midnimo qaran oo dalkaa laga dhiso ayaa iyana ah kuwo dhaadheer, kuwaas oo ay ka mid yihiin sidii dib u dejin loogu samayn lahaa dadkii colaaduhu barokiciyeen iyo sidii jawaab looga bixin lahaa gaajada iyo faqriga xuduuda ka baxay ee haysta bulshada wadankaasi oo ay soo raacaan sidii ciidamada loogu wacyigelin lahaa ka shaqaynta nabadda iyo dib u heshiisiinta, waxna looga qaban lahaa qiimo dhaca shidaalka iyo waxyeeladii ka dhalatay dagaaladii Silva Keer iyo Riek machar iyadoo aanay dawlada jirtaa haysan dhaqaalihii ay ku dabooli lahaa baahiyahan aynu soo xusnay.
Soo laabashada uu Riek Machar dalka dib ugu soo laabtay waxay caawinaysaa kalsoonida deeq bixiyayaasha shisheeyuha waxana ay u ogolaanaysaa in dawladu ay dhaqaale badan ka hesho hay’ada lacagta adduunka ee IMF iyo wadamada kale ee taageerooyinka bani’adanimo bixiya. Laakiin marka taa laga tago xaalada dhaqaale ee dalkaasi oo sii xumaataa waxay dhiirrigelin kartaa inay sii socdaan dembiyada iyo waxyeelooyinka loo gaysanayo dadka rayidka ah. Waxana sidoo kale duruuf adag oo noocaas ah oo sii jirtaa ay ku khasbi kartaa maleeshiyaadka hubaysan iyo ciidamada oo aan mushaharooyinkooda la wada siin ay boob iyo bililiqaysi u gaystaan hantida caamka ah ama ta dadweynaha.
Dhanka kale waxa jira walaac balaadhan oo laga qabo colaad ka qaraxda magaalada Jubbah ee caasimadda ah, sababtoo ah xukuumada ka jirta magaalada Jubbah oo aan ahayn mid hufan marka laga hadlayo saraakiisha sarsare ee ciidamada amaba sida ay ugu nabadgeli karaan Riek machar iyo ragiisu, iyadoo dadka asal ahaan ka soo jeeda qabiilka NEUR ee hoyga gabbaadka ah ka dhigtay xarunta Qaramada midoobay ee magaalada Jubbah ay ku adkaysanayaan in aanay halkaa ka soo bixi doonin tan iyo inta ay ka xaqiiqsanayaan in magaaladaasi noqotay meel ammaan ah oo ay isku hallayn karayaan.
Heshiiskii nabadeed ee la gaadhay weli waxa uu ku yar yahay in uu dhammeeyo waxyeelada dhacaysa, iyadoo dagaalku ka dhalan karo arimta muranka weyn ka dhalisay dalkaasi ee madaxweyne Silva Keer uu ku go’aamiyey in xuduudaha gobolada dalka lagu saleeyo qaabka ay qabaa’ilku u degaan.
Riek macha rwaxaa soo maray xilli adag oo siyaasadeed ka dib markii ay isku dhaceen silva keer isagoo xiligan la tacaalaya sidii uu waaqiciga taagan ula macaamili lahaa inta badan ragii ururka kala tirsanaa ee garabkiisa ahaa waxay ka soo horjeedaan qorshaha dib loogu midaynayo Ururkii SPLM, laakiin Machar laftiisu waxa uu taageeray hanaanka dib u midaynta, taasina waxay ku kacaysaa qiimo balaadhan si uu aragtidiisa ugu mideeyo rsaraakiisha sare ee garabkiisa ah oo uu ugu horeeyo general-ka Peter Gadet.
Sida ay sheegayso faaladan oo lagu daabacay shabakada wararka ee http://www.theafricareport.com Caddaalada, Qaandhowga iyo dib u heshiisiintu waa qayb ka mid ah heshiiskii nabadeed ee la gaadhay Laakiin ma muuqato ahmiyad weyn oo la siinayo arimahaasi, waxana suurogal loo arkaa in Ururka midnimada Afrika uu yagleelo oo dhiso maxkamad lala tiigsado dadka loo arko inay galeen dembiyo waaweyn, dadkaas oo ay ka mid noqon karaan Riek machar iyo silva Keer.