Itoobiya oo Laga Xusay Sanadguuradii 75-aad ee Maalintii Guushii Geesiyaasha
Addis Ababa 08.May 2016 (SDN/QJ):- Dalka Itoobiya waxaa dhamaadkii Todobaadkan laga xusay oo looga dabaaldegay maalinta loo qoondeeyey geesiyaasha muruq-maalka ahaa ee dagaalka ula badheedhay gumaystahii Talyaaniga , taasoo ay ka soo wareegtay muddo 75 sanadood ah.
Iyadoo uu jiray damacii uu ku doonayey in uu ku gumaysto dalka Itoobiya oo ahaa wadanka keliya ee ka madaxbanaanaa gumaysiga ayaa talyaanigu bilaabay weerarkiisii uu ku qaaday Itoobiya bishii Oktobar 1935, isagoo ka soo galay xuduuda Waqoooyi ee dalka, waxana dagaalkaasi sanad ka bacdi ku dhamaaday guul ay ciidankii Itoobiyaanku gaadheen iyadoo dhalinyarada reer Itoobiya u baahan yihiin xiligan in lagu baraarujiyo geesinimadii iyo dadaaladii anaftood hurayaashii ay muujiyeen sida uu sheegay Mr Lij Daniel Jote oo ah gudoomiyaha dalladda ay ku midaysan yihiin inta weli ka sii nool geesiyaashaasi.,
Mr Lij Daniel oo u waramay wakaalada wararka itoobiya ee ENA ayaa xusay in guushii geesiyaasha reer itoobiya ka gaadheen xukunkii faashiga ee talyaanigu ay cashar ay bartaan u tahay dhalinta maanta iyo kuwa berrito ee dalkaasi.isla markana ay tusaale ay ku daydaan ugu tahay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dhismaha horumarineed ee dalka, isaga oo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi sidan: ‘Dabaaldegyada iyo xuska loo samaynayo geesiyaashii dalkan u huray naftoodu waxay ku dhiirrigelinaysaa jiilka maanta inay galaan oo guul ka keenaan dagaalka lagula jiro faqriga’.
Professor Ahmed Zekaria oo ku xigeen ka ah jaamacadda Addis-ababa ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in dhalinyarada ay waajib ku tahay inay wax ka bartaan xiligii adkaa ee ay aabayaashood iyo hooyooyinkood muujiyeen dhiiranaanta wadaniyaddu ku dheehan tahay ee ay kaga hortageen qabsashadii talyaanigu la damacsanaa Itoobiya si ay iyaguna u qaataan waajibkooda maanta oo u xaqiijiyaan horumarka Itoobiya.
Sanadguurada 75-aad ee maalinta loo asteeyey guushii geesiyaasha Itoobiya oo hadda la xusay waxaa ka soo qaybgalay qaar ka mid ah geesiyashaasi xiligaa dagaalamay,mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dawladda iyo wakiilo ka socday ururo caalami ah iyo kuwo maxalli ah.