|

Bulshada ku Nool Degmada Salaxlay Oo Maanta Weftigii Sama-wade Si Ballaadhan U Soo Dhaweeyey

Salaxley 05.May 2016 (SDN/QJ):-Weftiga Sama-wade ee uu hoggaaminayey guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga WADDANI ahna ku simaha guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed, ayaa gaadhay maanta degmada Salaxley ee gobolka maroodi-jeex,halkaas oo si meeqaam saraysa loogu soo dhaweyey weftiga.

bnnMd:Axmed Muumin Seed iyo weftiga Sama-wade ee uu hoggaaminayo ayaa soo dhaweyn aan loo kala hadhi kala kulmay shacabkaku dhaqan degmada Salaxley,iyadoo lagu qaabiley caleemo qoyan ciyaar dhaqameed iyo calanka Xisbiga WADDANI u gaarka ah oo ay ruxayeen kuna labisnayeen qaar kamid ah dadka soo dhaweynayey weftiga.

 

Weftiga Sama-wade ee uu hoggaaminayey Md Axmed Muumin Seed, ayaa waxa kamid ahaa guddoomiyaha gobolka Marooodi-jeex Siciid Bustaa iyo weliba Xidhibaanada laga soo doorto degaanadaasi,kuwaas oo ay kamid ahayeen Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, Xildhibaan Weli Xaawo iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga WADDANI,waxaanay weftigu kala haddleen dadka reer Salaxley goob fagaare ah iyagoo uga mahadaceliyey sida diiran ee ay u soo dhaweyeen,kuna booriyey in ay si diiwaangeliyaan, isla markaana waxay weftigu ka haddleen sida ay Xukuumadda Siilaanyo dadka deegaanada Salaxley iyo deegaanada ku xeeran ay u hakratey,iyagoo xusay in ay ka aradan yihiin baahiya kala duwan ee asaasiga ah.

 

Dhanka kalena weftiga Sama-wade ayaa soo kormeeray goobaha ay ka socotey diiwaangelinta codbixiyaashu ee dagmada Salaxley iyo deegaanada hoos yimaada sida ina-guuxaa,waxaanay war-bixino kala duwan ka dhegysteen masuuliyiinta goobaha ay diiwaangelinta codbixiyayaashu ka socotay.

 

Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga WADDANI ahna ku simaha guddoomiyaha Xibiga WADDANI Axmed Muumin Seed oo ugu damabayntii halkaasi kala haddley dad weynaha reer Salaxley,ayaa uga mahad-naqay sida ay u soo dhaweyeen weftiga,isagoo sheegay in uu socdaalkood ollole ahayn ee uu daaran yahay dar-dargelinta hawlaha diiwaangelinta,waxaanu ugu baaqay dad weynaha ku dhaqan deeganada Salaxley in ay is diiwaangeliyaan

Comments are closed